Shirkadaha Isgaarsiinta Puntland oo fuliyey amarkii sarifka ee dowladda

Image

GAROWE, Puntland – Shirkadaha Isgaarsiinta degaanada Puntland ayaa dhaqan-geliyey amarkii kasoo baxay dowladda ee ahaa in aysan adeega wareejinta lacagaha aan la isugu diri karin wax ka yar Hal Doolar.

Golaha Wasiiradda Puntland ayaa amarkaan uu kasoo baxay kadib talosoojeedinta Wasaaradda Maaliyadda iyo Guddi khuburo oo loo xil-saarey in ay kasoo waramaan qaabka looga hortagi karo sicir-bararka.

Talaabadan ayaa waxay dhabaha u xaareysaa in shilin Soomaaliga uu aad u shaqeeyo taasoo hoos u dhigi kareysa sarre u kaca lacagta.

Dhanka kale, garoonka diyaaradaha caasimadda dowladda Puntland ee Garowe ayaa dib-u-shaqo kadib maalmo uu hakad ugu jiray sababo la xiriira shil ay halkaas ku gashay diyaaradda caalamiga ah ee waddanka Jabuuti.

Shilkaas oo yimid markii mid kamid ah taayaradda diyaaradda ay celid ku timid ayaan sababin midkoodna khasaaro nafeed iyo maaliyadeed.

Mas'uuliyiinta madaarka ayaa u sheegay Garowe Online in ay hagaajiyeen dhaawacyo yar-yar oo dhabaha cagashadda kasoo gaarey shilka waxayna tibaaxeen in ay bixin doonan adeegyadii looga bartay.

Garoonka diyaaradaha Garowe ayaa kamid ah madaaradda ugu caalamisan Soomaliya, waxaana maalintii taga duulimaadyo kala duwan oo qaarkood ay ka yimaadaan dalalka deriska iyo degaanadda kale ee Soomaalida.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM

Puntland oo soo afjartay awooddii ciidamada isbarbar socda kaddib hawlgalladii Gaalkacyo iyo Boosaaso

Xogaha ayaa sheegaya in qorshaha dowladda muddo-xileedkeedu dhammaaday uusan …

  • Puntland

    07-08-2026

  • 04:51AM