​Shirkado kusoo baxay qandaraaska dhismaha wadada isku xirta Garowe iyo Galkacyo

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland- Hay'adda waddooyinka Puntland ee PHA, ayaa maanta magaalada Garowe kaga dhawaaqday Afar shirkadood oo ay sheegtay inay kusoo baxeen tartan loo galay qandaraaska mashruuca lagu dhisayo qayb kamid ah jidka isku xira Garowe iyo magaalada Galkacyo.

Guddoomiyaha hay'adda PHA, Maxamuud Cabdi Nuur, ayaa sheegay inay soo baxeen shirkadaha kala ah; IS-XILQAN, ALBAASHAT, ELGAR iyo JIPCON, kuwaasoo uu sheegay inay sii kala saari doonaan si ay uga soo baxay Shirkadda dhisi doonta wadada.

Guddoomiyaha Guddiga qandaraas bixinta Puntland, Ibrahim Cumar Aadam, ayaa xusay in Kambaniyadan lagusoo xulay qaab caddaalad ah islamarkaana ku qiimeeyeen tayadooda aqoontooda iyo waliba qalabka ay haystaan, isagoo xusay inay ka fakareen mashruucan maadaama uu yahay mid weyn.

Goobta shaacinta shirakaadkan, waxaa sidoo kale joogay, wasiir ku-xigeenka wasaaradda howlaha Guuda Gaadiidka iyo Guriyanta Puntland Cabdiraxmaan Dujaana oo madasha ka sheegay inuu soo dhawaynayo qaabka wax u socdaan, wuxuuna cidda soo baxda kula dardaarmay inay isa saaraan mas'uuliyad adag.

Wajiga koowaad Mashruuca dhismaha wadada Laamiga ah ee isku xiraysa Garoowe iyo Galkacayo, ayaa la dhisayaa qayb kamid ah oo dhan 80km oo u dhaxayso Tuulo Jalam ilaa xarfo, waxaa uu noqonaya  mashruucii labaad ee ugu weynaa ee Puntland hesho muddo 25 sanno ah, waxaana ku baxaya lacag lagu qiyaasey 6 milyan oo dollar taasoo ay bixiyeen Midowga Yurub.

Barnaamijkan oo wadamada Midowga Yurub wakiil uga tahay Hay’da GIZ ee dalka Jarmalka ayaa markii hore la qorsheeyay in si furan  ugu tartamaan shirkadaha Caalamiga ah ee wadooyinka dhisa iyo kuwa wadaniga ah ee dalka ka howlgala, balse qorshaasi waxaa diiday oo is-hortaagey Agaasimaha Hay’adda Wadooyinka Puntland PHA  Maxamuud Cabdinuur Aadan kaasoo ku qanciyay dowladda iyo deeq bixiyayaashiiba in dalka gudihiisa laga heli karo shirkado isgaashaanbuuraystay oo leh Khidbarad, waayo aragnimada, xirfadda ay ku dhisi kara wado dhererkeedu yahay 80km kuwasoo ku tilmaamey iney haystan qalabka  iyo injineero ajnebi ah.

Sida ay sheegayaan xogo lagu kalsoon yahay, Agaasimaha PHA, wuxuu bedelay qorshihii hore loogu heshiiyay oo ogolaanayey in dhowr shirkadood  wada fuliyaan dhismaha wadadaan, balse wuxuu ku bedelay in Hal shirkad ay qaadan karto qandaraaska. Taasi waxay cabsi iyo welwel ku riday 7 shirkadood oo ka mid ah shirkadaha qandaraaska soo dalbaday, kuwasoo cabsi ka qaba in waqti hore si hoose Loola heshiiyay Hal shirkad oo kaliya.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM