Shirkii beesha Leelkase iyo Isimada Puntland oo natiijo la'aan ku soo dhamaday

Image

GAROWE, Puntland- Shir Garowe uga socday ergo ka kooban madax-dhaqameed iyo siyaasiyiin ka soo jeeda beesha Leelkase iyo qaar ka mid ah isimo ka soo jeeda beelaha kele ee Puntland ayaa soo dhamaaday iyadoo aysan ka soo bixin natiijo ku saabsan arrintan kulankan loo qabtay.

Beeshaan casuntey Issimadaan ayaa aheyd iney cod tageero ah ka helaan duubabka dhaqanka kaasoo ahaa qorashaha ay ku doonayaan in xubnaha Barlamanka Puntland ku leeyihiin loo kordhiyo.

Xogaha aan helayno ayaa xusaya in Isimada beesha Laylkase kala qayb galay kulankaan ay u shegeen in qadiyadan keligood waxba kala qaban karin iyagoo ku sababeeyey maqnaan-shaha inta badan madax dhaqamedka,  waxaa kele oo ay u jeediyen in Madaxweynaha Puntland la kashadaan sidii arrintan loo dhamayn karo.

Ergada beesha Leelkase aayaa cudurdaarkas ay u muujiyeen Isimada shirka kala qayb galay kadib talo iskula noqdey taasoo aan la ogayn waxa kasoo bixi doona. 

Beesha Leelkase ayaa horey Madaxweynaha Puntland uga soo dhameystey in Dastuurka loo furo si kororsiimo loogu sameeyo kuraasta ay ku leeyihiin Barlamanka Puntland balse arinkaas ayaa fashilmey kadib markii uu ka hor yimid qodobo Dastuurka ku jira halka xildhibaanada golaha shacabka diideen gabi ahaan in ajandahaan la horkeeno kalfashiga 39aad.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Maxay Tahay Tallaabada ay Puntland Qaadeyso Haddii Dowladda Federaalka Faragelin ku Sameyso Amnigeeda?

Madaxweynaha dowladda Puntland ayaa sidoo kale sheegay in ciidamadda Puntland ay heegan buuxa ku jiraan...

  • Puntland

    01-07-2026

  • 11:03AM

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM