Shirkii u dhexeeyey DFS iyo maamulada Somalia oo furmey

Image

GAROWE 30 April,2015 (GO)- Waxaa xarunta magaalada Puntland ee Garowe saaka ka furmay shirkii u dhexeeyey dowlada dhexe ee Somalia iyo maamulada qaybta ka ah dowlada federaalka.

Kulankaan oo lagu qabanayo xarunta wasaarada caafimaadka ee ku taal magaalada Garowe ayaa waxaa ka qayb galaya madaxweynaaysha dowladaha Puntland, Jubaland, Koonfur Galbeed iyo madaxweynaha dowlada Somalia Xasan Shiikh.

Qodabada kulankaan looga hadlayo ayaa weli la shaacin balse wareysi afhayeenka madaxweynaha Somalia siiyey saxaafada ayuu ku sheegey in looga hadlayo qodabadii looga hadley kulankii lagu qabtey magaalada Muqdishu.

Dhinaca kale waxaa fashilmey inuu qabsoomo shir u dhexeeya dowlada federaalka iyo Puntland kadib markii guddiyada labada dhinac isku afgaran waayeen qodobada looga wadhadlayo.

Kulankaan ayaa la filayaa iney hareyso maamulka Puntland oo  codsan doona in madaxweynaha dowlada federaalka cadeeyo mowqifkiisa ku aadan dhismaha mamaulka gobolada dhexe ee Somalia.

GAROWEONLINE KALA SOCO WARARKA LA XIRIIRA KULANKAAN.

 

Related Articles

Wasiir Axmed Maclin Fiqi oo jawaab ka helay Puntland

Khilaafkan ayaa sidoo kale saameyn ku yeeshay dadaallo lagu doonayay in lagu xalliyo murannada ka taagan hannaanka doorashooyinka.

  • Puntland

    01-02-2026

  • 12:41PM

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM