Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Image
Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

GAROWE, Puntland - Ku-simaha Madaxweynaha Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland Ilyas Osman Lugatoor ayaa furay Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland (MAP).

Ilyaas waxa uu bogaadiyey waxqabadka iyo doorka warbaahinta ee dawlad-dhiska iyo horumarinta bulshada, dhinaca kalena wuxuu kula dar-daarmay in ay qeybtooda ka qaataan hiigsiga, yoolasha iyo waxqabadka Dawladda Puntland, sidoo kalena ay xooga saaraan Barnaamijyada waxtarka u leh bulshada.

Ugu dambayn Madaxweynuhu waxa uu ballanqaaday illaalinta xorriyadda iyo madax bannaanida warbaahinta Puntland, isaga oo uga mahadceliyey Ururka MAP wada shaqaynta wanaagsan ee kala dhaxaysa laamaha kala duwan Dawladda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM

Puntland oo soo afjartay awooddii ciidamada isbarbar socda kaddib hawlgalladii Gaalkacyo iyo Boosaaso

Xogaha ayaa sheegaya in qorshaha dowladda muddo-xileedkeedu dhammaaday uusan …

  • Puntland

    07-08-2026

  • 04:51AM