Shirweynaha deegaanka ee Puntland oo ka furmay magaalada Garowe

Image
Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada Dowladda Puntland ayaa soo agaasintey shirkan.

MUQDISHO, Soomaaliya -  Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Ilyas Osman Lugatoor, ayaa maanta furay Shirweynaha deegaanka ee Puntland kaasi oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada Puntland, isla markaana socon doona muddo labo maalmood ah.

Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada Dowladda Puntland, Maxamed Cabdiraxmaan Faroole, ayaa furitaankii Shirka kusoo bandhigtay warbixino maqal, muuqaal iyo qoraal isugu jira oo ku saabsan xaaladda deegaanka ee Puntland iyo dadaalka aan kala joogsiga laheyn ee ay wado Wasaaradda Deegaanka si loo illaaliyo daaqa iyo duunyada.

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland wuxuu la wadaagay Shirka in Dowladu ahmiyad gaar ah siinayso deegaanka, maadaama ay nolosha bani’aadamku ku tiirsantahay, wuxuu muujiyey in deegaanka oo la illaaliyo ay meel sarre uga jirto siyaasadda Dowladda iyo Qorshaha horumarinta Puntland.

Shirweynaha Deegaanka Puntland oo marka uu soo dhammaado laga soo saari doono War-qoraal ah, waxaa ka qeybgalay Madaxweynihii hore ee Dowladda Puntland Senator Cabdiraxmaan Faroole, Goleyaasha Dowladda Puntland, Guddoomiyeyaasha Gobolada iyo Degmooyinka Puntland, laamaha amniga, Aqoonyahano rag iyo dumar isugu jira oo ka kala yimi dalka iyo  dibadaba, dadka ka shaqeeya arrimaha deegaanka, Hay’addaha Qaramada Midoobey ee ka howlgala Puntland iyo marti sharaf kale.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiir Axmed Maclin Fiqi oo jawaab ka helay Puntland

Khilaafkan ayaa sidoo kale saameyn ku yeeshay dadaallo lagu doonayay in lagu xalliyo murannada ka taagan hannaanka doorashooyinka.

  • Puntland

    01-02-2026

  • 12:41PM

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM