Shirweynaha Wadatashiga Puntland oo maalintii saddexaad galay

Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Shirweynaha Wadatashiga Puntland oo 15-kii Maaj, 2020 ka furmay magaalada caasimada ah ee Garowe ayaa galay maalintii saddexaad, iyaddoo ay ka qeybgalayaan ergooyin gaaraya 500.

Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa Talaadada maanta ah wuxuu ka qeybgalay madasha, taasoo ajendaha ugu weyn ee lagu gorfeynayo ay la xiriirto masiirka Puntland iyo kaalinteeda dalka.

Shalay oo ahayd maalintii labaad dhammaan ka qeybgalayaasha shirka oo isugu jira madax, siyaasiyiin, dhaqan, haween iyo dhalinyarro ayaa waxaa loo kala qeybiyey 5-qeybood oo kala ah;

• Golayaasha Dowladda iyo Saraakiisha
• Siyaasiyiin, Aqoonyahano iyo Qurbajoog
• Isimada
• Ganacsatada iyo Cuqaal
• Ergooyinka Gobalada, Haweenka, Dhallinyarada, Bulshada rayidka ah iyo Hayáddaha madaxa banaan.

Ergooyinka Shirka ka qeybgalaya ayaa ka dooday Saddex qodob oo midkiiba dhowr qodob u sii kala baxa:

1-Puntland:

- Midnimada
- Amniga
- Horumarka
- Dawladnimada iyo dimuqraadiyeynta

2-Federaalka

- Federaaleynta Dalka Soomaaliya iyo Doorka Puntland
- Dib u eegista dastuurka
- Doorashada 2020
- Qaybsiga awoodaha iyo kheyraadka
- Wadashaqeynta Dowladda Federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah

3-Doorka Puntland ee Wada hadalada Dowladda dhexe iyo Somaliland

Sikastaba, gabagabada shirka oo aan wali si rasmi ah loo muddeeyn waxaa la filayaa in laga soo saaro war-murtiyeed ay ku cad yihiin dhamaan qodobadii leysku raacay intii uu socday shirka oo si weyn loosoo agaasimay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM