Shirweynaha Wadatashiga Puntland oo maalintii saddexaad galay

Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Shirweynaha Wadatashiga Puntland oo 15-kii Maaj, 2020 ka furmay magaalada caasimada ah ee Garowe ayaa galay maalintii saddexaad, iyaddoo ay ka qeybgalayaan ergooyin gaaraya 500.

Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa Talaadada maanta ah wuxuu ka qeybgalay madasha, taasoo ajendaha ugu weyn ee lagu gorfeynayo ay la xiriirto masiirka Puntland iyo kaalinteeda dalka.

Shalay oo ahayd maalintii labaad dhammaan ka qeybgalayaasha shirka oo isugu jira madax, siyaasiyiin, dhaqan, haween iyo dhalinyarro ayaa waxaa loo kala qeybiyey 5-qeybood oo kala ah;

• Golayaasha Dowladda iyo Saraakiisha
• Siyaasiyiin, Aqoonyahano iyo Qurbajoog
• Isimada
• Ganacsatada iyo Cuqaal
• Ergooyinka Gobalada, Haweenka, Dhallinyarada, Bulshada rayidka ah iyo Hayáddaha madaxa banaan.

Ergooyinka Shirka ka qeybgalaya ayaa ka dooday Saddex qodob oo midkiiba dhowr qodob u sii kala baxa:

1-Puntland:

- Midnimada
- Amniga
- Horumarka
- Dawladnimada iyo dimuqraadiyeynta

2-Federaalka

- Federaaleynta Dalka Soomaaliya iyo Doorka Puntland
- Dib u eegista dastuurka
- Doorashada 2020
- Qaybsiga awoodaha iyo kheyraadka
- Wadashaqeynta Dowladda Federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah

3-Doorka Puntland ee Wada hadalada Dowladda dhexe iyo Somaliland

Sikastaba, gabagabada shirka oo aan wali si rasmi ah loo muddeeyn waxaa la filayaa in laga soo saaro war-murtiyeed ay ku cad yihiin dhamaan qodobadii leysku raacay intii uu socday shirka oo si weyn loosoo agaasimay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM