Diiwaan-gelinta xisbiyada Puntland: Shuruudaha oo la shaaciyey

Image

GAROWE, Puntland - Guddiga ku meel gaarka doorashooyinka Puntland ayaa soo bandhigay habraaca iyo shuruudaha laga doonayo ururadda siyaasadeed ama xisbiyadda ee is-diiwaan gelinaya.

Diiwaan-gelinta oo bilaabatay 15-kii December, 2019, ayaa socon doonta saddex bilood, taasoo ka dhigan in maalinta ugu dambeysa ay tahay 15-ka March, 2020-ka.

Sidda ku xusan war qoraal ah oo Guddiga kasoo baxay, xisbiyadda ayaa laga rabaa in ay buuxiyaan dhowr shuruud oo kamid ah habraaca diiwaan-gelinta.

Shuruudaha waxaa kamid ah bixinta debaaji dhan $3,500 oo aan celis lahayn iyo in xisbigu in ka badan 300 taageereyaal ah ku leeyahay badi goboladda Puntland.

Guddigan ayaa asbuucaan daah-furay qorshe-howleedkiisa, oo ay ku cadahay in uu kalsooni buuxda ka qabo in uu Puntland ka hirgelin karo doorashooyin qof iyo cod ah.

Xukuumadda madaxweyne Deni ayaa kordhisay qoondada uu Guddigu ku leeyahay Miisaaniyadda dowladda ee sanadka dambe, taasoo ah tii ugu badneyd taariikhda Puntland.

Puntland oo ah hormuud u ah federaalka Soomaaliya ayaa 20-kii sano ee lasoo dhaafay ka shaqeyneysay dhaqan-gelinta nidaamka xisbiyadda badan, waxaana ku taageeraya caalamka.

Hoos ka akhriso warqadda Guddiga

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM

Puntland oo Beenisay Warbixin ay Qortay Middle East Eye

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Inside the UAE’s secret operation at Somalia-Sudan Bosaso” ayaa ku dooday…

  • Puntland

    07-11-2025

  • 11:07AM