​Shuuqe oo loo doortay Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Puntland

Image

GAROWE, Puntland- Xaflad ay soo qaban qaabisay Hay’adda Cilmi baarista Puntland ee PDRC ayaa lagu doortay Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Puntland ee T-PEC oo u sharaxnaa xubin dhawaan lagu badalay Axmed Kismayo oo guddigaas ka baxay.

Cabdiraxmaan Diiriye Samatar (Suuqe) oo todobaadkii hore loo dhaariyay kamid ahaanshaha Guddiga ayaa helay codadka 8-deeda Xubnood ee kale, kadib markii uu tanaasulay Cabdirasaaq Xuseen Gacayte oo isna raadinayay booskan.

Munaasabadda doorashada waxaa joogay xubno kasocday golayaasha dowladda, qaar kamid ah xukuumaddii hore iyo bulshada rayidka ah.

Mas’uuliyiin ka hadashay madasha ayaa soo dhaweeyay qaabka doorashadu u dhacday iyo sida ay isugu dhuubanyihiin Guddiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland iyagoo ugu baaqay inay shaqada halkaas kasii wadaan.

Guddoomiyaha la doortay Cabdiraxmaan Shuuqe oo ka hadlayay sida uu u arko doorashadiisa ayaa u mahadceliyay dhammaan xubnaha T-PEC ee codka siiyay isagoo ku bogaadiyay shaqadii wanaagsanayd ee ay soo hayeen, wuxuuna ka codsaday inay la shaqeeyaan si looga dhabeeyo muhiimadda Guddigu u jiro.

Shuuqe ayaa xusay inay ku dadaali doonaan hirgalinta nidaamka Dimuqraadiyadda Puntland, isagoo tibaaxay in lagu gaari karo wadashaqayn iyo cawimaad dhan kasta uga timaada.

Waa Guddoomiyihii labaad ee Guddigu yeesho tan iyo markii lagu dhawaaqay horaantii 2016.

T-PEC oo aan wali helin taageero dhanka dowladda iyo hay’adaha caalamka uga timaada ayaa dadaal ugu jirta hirgalinta nidaamka iyagoo dhawaan soo saaray qaar kamid ah heerarka axsaabta iyo doorashada intaba, waxayna ku dhawaaqeen inay furantahay is-diiwaangalinta Ururada siyaasadeed, waloow la kordhiyay waqtigii uu ku ekaa inuu xirmo is-diiwaangalintu.

GAROWEONLINE

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM