Siciid Ciid: " Wasiir Soo-cade awoodaas xagee ka keenay?"

Image

Sept 9, 2014 (Garowe Online)- Madaxda Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Puntland ayaa sharci darro ku tilmaamay go'aan kasoo baxay Wasaaradda Ganacsiga oo sheegayey in lakala diray hoggaanka sare ee Rugta.

Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Siciid Xuseen Ciid oo Garowe Online khadka telefoonka ugu waramay, ayaa sheegay in Rugtu ay tahay hay'ad madax bannaan, cidda kaliya ee hoggaankeeda kala diri kartaana ay tahay Madaxweynaha ama golaha sare ee maamula Rugta Ganacsiga.

" waxan is weydiineynaa awoodda intaas le'eg meesha uu wasiirku ka keenay?...Sharciga iyo qawaaniinta dalka u yaal ayaan u daynaynaa inay wax ka yiraahdaan...hoggaanka rugta waxaa kala diri kara Madaxweynaha Puntland iyo boodhka rugta..." Ciid ayaa sidaas yiri.

Wasiirka Ganacsiga Puntland Maxamuud Xasan Soo-cade oo warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in la kala diray hoggaanka Rugta Ganacsiga, laga bilaabo maantana aanay sii shaqeyn doonin.

Tallaabadaas ayuu Wasiirku ku tilmaamay mid sharciga waafaqsan, maadaama sida uu sheegay uu dhamaaday waqtigii hoggaanka sare ee Rugtu, khasabna ay tahay in doorasho hor leh la galo.

" nimaka hadda joogaa waxay go'aan ku gaareen Rugta Ganacsigu inay u afduubnaato doorashana aanay dhicin...sidaas darteed waxaan u sheegayaa ganacstada reer Puntland in laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay sagaalka bisha sagaalaad 2014...inaanu kala dirnay dhammaan xubnihii Rugta Ganacsiga..." Wasiirka Ganacsiga ayaa sidaas ku yiri waraysi gaar ah oo uu siiyey Radio Garowe.

Qodobka labaad ee sharciga Rugta Ganacsiga Puntland ayaa dhigaya inay tahay hay'ad madax banaan oo leh shaqsiyad qaanuuni ah, halka qodobka 27aadna uu dhigayo in cidda keliya ee kala diri kartaa ay tahay Golaha Sare ee Rugta Ganacsiga ama Madaxweynaha Puntland.

GAROWE ONLINE.

Related Articles

Madaxwayne Deni oo qaabilay hay’ad ka dhisan waddanka Mareykanka

Dhakhaatiirtan ayaa sanadkii labo mar u yimaada dalka in ay la shaqeeyaan Dowladda gaar ahaan Wasaaradda Caafimaadka.

  • Puntland

    20-05-2024

  • 05:25AM

Puntland oo bilad sharaf ku sagootisay ergayga Qaramada Midoobay

Catriona Laing ayaa xilka baneynaysa iyadda oo lagu badalay James Swan oo Ameerikaan ah.

  • Puntland

    19-05-2024

  • 03:21AM