Sidee ayay u muuqataa falcelinta Siciid Deni ee ku aadan go’aamada Isimmada?

Image

GAROWE, Soomaaliya - Madaxweynaha Muddo Xileedkiisa sii dhamaanayo Siciid Cabdullaahi Deni ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in la qabanayo doorashada ay ansixiyeen Guddiga doorashada oo lagu muransanyahay “PEC”. Arrintan ayaa timid ka dib markii ay Isimmada dhaqanka soo saareen go’aamo la xiriira doorashooyinka.

Isimmada ayaa go’aan ku gaaray in doorashada sidii caadada ahayd loo qabto, maamulka soo socdana uu qabto doorasho dadweyne qof iyo cod ah, taladana dib ugu celiyo shacabka.

Dadka u dhuun daloola arrimaha siyaasada ayaa muujiyay cabsida ay ka qabaan in maamulka Siciid Deni uu doonayo in uuis-hortaago Isimmada, isaga oo ku adkaysanayo doorashadii halka dhinac ah ee uu doonayo in uu qabto, taasoo hore ula kulanay diidmo siyaasadeed iyo mid dadweyne.

Kulamada is-daba-jooga-ah ee uu la qaadanayo madaxda hay’adaha amniga iyo magacaabista shaqsiyaad isaga daacad u ah ayay rumeysan yihiin falanqeeyayaashu in ay sawir buuxda ka bixinayso damaca Siciid Deni ee marxaladda soo socota.

Dallada mucaaridku ayaa dhankoodii soo dhaweeyay go’aanka ay qaateen Isimmada, waxa ay sidoo kale sheegeen in ay ka cabsi qabaan in madaxweyne Siciid Deni uu u hogaansami waayo go’aamadaas.

Marxaladda soo socota ayaa ah mid muhiimad weyn u leh shacabka Puntland oo aad uga walaacsan in xiisadan siyaasadeed ay faraha ka baxdo oo lagu dhaco dabinka amni-darrada ah ee uu madaxweynaha hadda talada haya u diyaargaroobayo muddo bilo ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM