Sidee siyaasada u saameysay cayaaraha gobolada Puntland?

Image
Muranka ayaa cirka isku-sii-shareeray markii gobolka Sanaag uu ka baxay koobka. [Photo: Abdirahman Bulshaawi]

GAROWE, Puntland - Xiriirka kubada cagta gobolka Nugaal ayaa shalay war-saxafadeed wuxuu ku qabtay magaalada Garowe ayaga oo kaga hadlay arimo muhiim ah kana cusboonaaday tartanka xulalka goboladda dowladda Puntland.

Dhacdooyinka soo kordhay 24-kii saac ee lasoo dhaafay waxaa kamida is-casilaada xiriirka kubada Puntland iyo go'aanka wasaarada cayaaraha ee ku wajahan koobka ka socday qalcada Mire Aware ee magalaada Garowe.

Xiriirka ayaa ku eedeeyay wasaarada dhalinyarada iyo cayaaraha in ay faragelin ku sameysay shaqadooda isla markaana madaxda wasaaraddu ku lug-leeyihiin musuqmaasuq. Balse wali kama jawaabin eedaas.

Nugaal ayaa ciyaar ay la lahaayen dhigooda dhigooda Sanaag ku qaatay sadex dhibcood oo (Forfeit) kadib markii ay kooxda Sanaag isaga baxeen garoonka ayago ka cabanaya eedayn uu siiri-wadaha usoo jeediyay mid kamid ah ciyaartoydooda.

Siiri-wadaha ama garsooraha kulanka ayaa ciyaaryahanka ku khalday laacibin kale oo u cayaara xulka gobolka Sool oo uu horay u siiyay labo kaar oo jaale (huruud) ah ama kaarka digniinta.

Muranka ayaa durba hareeyay tartanka kubada cagta ah ee gobolada Puntland taasoo sababtay in Xulka gobolka Sanaag ay cadaalad daro sheegtaan isla markaana ay qaadacaan koobka.

Xiriirka kubada cagta ah ee gobolka Nugaal iyo qaar kale oo kamid ah xiriirada kubada cagta ah ee gobolada ayaa horay u sheegay in ay kasoo hor jeedaan qorshe faragalin oo ay wadaan siyaasiyiin iyo masuuliyin dowladeed.

Saraakiishan ayaa ah kuwa si gaar gaar ah u kala taageera kooxaha kasoo qayb galay tartanka gobolada Puntland taasoo markii dambe sababtay in habsami u socodka tartanka uu khalkhal galo kuna dhow yahay burbur.

Madaxwayne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa Khamiista todobaadkii hore wuxuu amar ku bixiyey in hay'adaha ku shaqada koobka ay ka shaqeeyaan sidii uu ugu soo dhamaan lahaa jaw la wada ogol-yahay.

Sikastaba ha ahaatee, mugdi badan ayaa ku gadaaman masiirka koobkan. Mowqifyada waqti xaadirkan la kala taagan yahay waa wasaaradda oo amartay ku celinta kulanka Nugaal v Sool iyo xulka guusha horey loo siiyey kaasoo ku gacanseyray.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM