Siduu waqtiga 'u beeniyey' in ay dalka ka dhici karo doorasho qof iyo cod?

Image

GAROWE, Puntland – Waqtiga ayaa beeninaya in Soomaaliya ay dhamaadka 2020 ka dhici karto doorasho qof iyo cod ah, sababtoo ah lama diyaarin aas-aasiyaadkii, sidda uu sheegay wasiirka arrimaha gudaha dowlada Puntland.

Inkasta oo ay wanaagsan tahay in talada dib loogu celiyo shacabka, dowladda federaalka ayaa lagu eedeeyay in ay ka gaabisay ka shaqeynta dhamaan howlaha muhiimka u ah arrintaa bilowgii xil-heynteeda.

Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, wasiirka arrimaha gudaha iyo dimuqraadiyeynta Puntland, ayaa xusay in maamulku diyaar u yahay kaalintiisa siddii dalka looga bixin lahaa mar-xalada kala guurka.

"Maalmahaan dambe oo dhan waxaa laga shaqeynayey suurtagalnimadda ah in uu dhaco wadahadal. Haatanna dedaalkiisa wali ma rajo dhigin waa lagu jiraa howsheedii, waxaana rajeyneynaa in ay qabsoonto arrintaas Insha Allah, Puntland dhinaceena diyaar ayaan u nahay hadii ilaahey idmo, waqtiga ugu suurtagalsan iyaddoo la xeerinayo arrimo badan oo dalka ka jira, hadii ALLE idmo," ayuu u sheegay warbaahinta.

Wadahadaladaas oo loogu gogol-xaarayey shir dhexmara hogaanka dowladda federaalka iyo maamuladda ayaa burburkiisa dusha loo saarey maamulka Koonfur Galbeed markii uu diiday waqtiyaddii lasoo jeediyey.

"Waqtigaa beeniyey"

Dhabancad oo hadalkiisa sii wata ayaa sharaxaad ka bixiyey qaabka uu waqtiga u diidayo in waddanka ay ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah.

"Midda kale waxay weye ka sokow in dowladdu sheegtay in ay rabto in ay dalka ka fuliso doorasho hal cod iyo hal qof ah, haddana taasi waxaan is-leenahay waqtiga ayaa beeniyey, sababtoo ah waqtiga waa gudbay, hadda waxaa lagu jiraa xiligoodii ama ha noqoto labada aqal – Golaha Shacabka iyo Aqalka Hoose – ama ha noqto madaxweynaha oo bisha labaad ee sanadka soo socda xiligiisu ku eg-yahay, waxay taasi ka dhigan tahay suurtagalnimo la'aanta in dalka ay ka qabsoomi karto doorasho guud oo hal qof iyo hal cod ah," ayuu tibaaxay.

Sidoo kale, wuxuu qeexay in aan heshiis lagu ahayn nidaamka lagu galayo gaar ahaan shuruucda oo dowladda dhexe "isku koobtay" meelmarintooda.

"Waxaynu kaloo og-nahay in aas-aasiyaadkii qaasatan dhinacii sharciga ee doorashadaas sahli lahaa in uusan jirin way jidhaa dukumiintiyo ama warqad ay si latashi la'aan ah ku meelmarisay dowladda madaxweynuhuna ku saxiixay; laakiin taa kama dhigna in ay ku metelayaan dowladaha xubnaha ka ah oo iyaga gacanta ku haya; marka arrimahaas waxay qayb ka noqon doonan waxyaabaha leysaga imaan doono," ayuu cod dheer daaha uga qaadey.

Sidda laga soo xigtay wasiirka, mowqifka Puntland ee ku aadan doorashooyinka 2020-21 waa in habka loo marayo leysku raacsan yahay.

"Puntland-na [mowqifkeeda] waxay weye in leysku yimaado oo laga tashado sidii dalkan doorasho uga dhici lahayd waqtigeedii hadii ALLE idmo," ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay wasiir Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad.

Beesha Caalamka, maamuladda qaar iyo xisbiyadda mucaaraadka ayaa isku raacsan in doorashadda waqtigeeda ku dhacdo. Wallow xukuumada taageertay arrintaas, "ma jirto talaabo lasoo dhaweeyo oo ay dhankaa u qaadey".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamadda Puntland oo qabtey nin ku hubaysan walxaha qarxa

Howlgalkan ayaa xalay saqdii dhexe waxa uu ka dhacay qeybo kamid ah magaalada Boosaaso.

  • Puntland

    13-05-2024

  • 05:32PM

Puntland iyo Sweden oo ka shiray iskaashi dhanka mashaariicda horumarinta

Madaxweyne Deni ayaa Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Safiirka Dowladda Sweden ee Soomaaliya, Joachim Waern.

  • Puntland

    13-05-2024

  • 03:34PM