Sirdoonka Puntland: "hawlgallo baahsan ayaan bilaabaynaa"

Image

November 20, 2014 (GO)- Hay'adda Sirdoonka Puntland (PIA) ayaa shaacisay inay dhowaan bilaabi doonto hawlgal balaaran oo ammaanka lagu xaqiijinayo.

Agaasimaha Hay'adda Cabdi Xasan Xuseen (Cabdi Yare) oo maanta shir-jaraa'id ku qabtay xafiiskiisa magaalada Garowe ayaa sheegay in dowladdu heshay xogo badan oo muujinaya khataro soo wajahan iyo dad ku hawlan sidii xasiloonida Puntland ka jirta ay u carqaladeyn lahaayeen.

Xubno ka tirsan Al-shabaab oo soo gaarey Puntland kadib markii kooxda laga saaray deegaano badan oo ka tirsan koonfurta kuwaasoo xiligan si dhuumaaleysi ah ku jooga Puntland ayuu sheegay in si gaar ah hawlgalkaas loogu beegsan doono.

Ugu dambeyntii wuxuu baaq u diray dadweynaha isagoo ku booriyey inaysan gacansiin islamarkaana soo dhoweysan dembiileyaasha. Agaasimuhu wuxuu sheegay in ciddii lagu helo inay qof dambiile ah caawisay sharciga la horkeeni doono.

Arintan ayaa kusoo aadeysa labo maalmood kadib markii dabley hubaysan oon haybtooda la aqoonsani magaalada Gaalkacayo ku dileen Weriye Cabdirisaaq Cali Cabdi (Silver).

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM