Xeer-ilaaliyaha Puntland oo ku milmay is-qabqabsiga siyaasadeed

Image
Xeer-ilaalinta ayaa amarkan soo saartey xilli siyaasiyiin horey uga digeen in Deni uusan lahayn dhaqan dimuqraadiyadeed.

GAROWE, Puntland - Xeer-ilaalinta dowladda Puntland ayaa Arbacada maanta ah waxay amartey in lasoo xiro siyaasiyiin ka aragti duwan madaxweynaha muddo xileedkiisa bilooyinka ka hareen Saciid Cabdullaahi Deni.

Magacyadda xubnahan ayaa kala ah; Khadar Cabdiraxmaan Maxamed [Faroole], Xasan Shire Cabdi Abgaal, Maxamuud Faarax Warsame Shido iyo Maxamed Jaamac Faarax.

Axmed Yusuf Taaraan, Xeer-ilaaliyaha Guud ee Dawladda Puntland, ayaa ku dhawaaqay go'aankan xilli uu u muuqdo mid ku dhex-milmay is-qabqabsiga siyaasadeed ee taagan.

Xeer-ilaaliyaha ayaa waxaa horey u diidey baarlamaanka Puntland inuu noqdo Guddoomiyaha Maxkamada Sare ee Puntland mana haysto ansaxinta Aqalka Wakiilada.

Talaabadan ayaa imaanaysa xilli siyaasiyiin ay horey u sheegeen in Deni uusan lahayn hab-dhaqan dimuqraadiyadeed ayna ka digeen in la siyaasadeedyo hay'adaha dowliga ah.

Madasha Siyaasadda Puntland oo shir ku yeelatay magaalada Garowe labadii maalmood lasoo dhaafay ayaa soo saartey baaq ku wajahan qalalaasaha siyaasadeed ee ka taagan maamul goboleedkan.

Baaqan ayaa waxa uu isugu jiraa fariimo ku wajahan madaxweynaha waqtigu ka dhacayo Saciid Cabdullaahi Deni, guddoonka Golaha Wakiiladda, dadweynaha, Isimada, hay'adaha ammaanka iyo Beesha Caalamka.

Beesha Caalamka oo walaac ka muujisey isku-dhaca hubeysan ee ka dhashay geedi-socodka lagu muransan yahay ee dimuqraadiyeynta Puntland ayaa ku baaqday in saamileyda ay wadahadal ku xaliyaan kala aragti-duwanaanta taagan.

"Rabshaddo xal maaha," ayaa lagu yiri qoraal ay soo saareen saaxiibada caalamka. Dhawaqan wuxuu imaanayaa xilli Madasha Siyaasadda Puntland ay soo jeedisay hakinta doorashada khilaafka hareeyay iyo wadaxaajood dhab ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM

Puntland oo soo afjartay awooddii ciidamada isbarbar socda kaddib hawlgalladii Gaalkacyo iyo Boosaaso

Xogaha ayaa sheegaya in qorshaha dowladda muddo-xileedkeedu dhammaaday uusan …

  • Puntland

    07-08-2026

  • 04:51AM