Siyaasiyiinta dalka oo ku soo qulqulaya Garowe xilli uu socdo diyaargarowga Caleema Saarka

Image
Maalina berri ah ayaa loo madlan yahay Caleema Saarka madaxweyne Deni.

Garowe, Soomaaliya - Waxaa magaalada Garoowe ku qulqulaya siyaasiyiin xilal ka soo qabtay dowladda Federaalka iyo Maamulada kala duwan ee dalka kuwaas oo ka qeyb gali doona Caleema Saarka madaxweynaha dib loo doortay ee Siciid Cabdullahi Dani.

Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Cali Guudlaawe ayaa hore u soo kallahay magaalada Garowe, isaga oo kullamo la qaatay hogaanka dhawaan la doortay ee Puntland.

Waxaa sidoo kale maanta yimid ka soo tagay magaalada Garowe Raysul Wasaarayaashii hore ee dalka, Xasan Cali Kheyre, Maxamed Xuseen Rooble, Cabdiweli Cali Gaas, iyo madax kale.

Waxaa sidoo kale la filaya in uu dhawaan soo gaaro magaalada Garowe madaxweynaha jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo horay u aqbalay Cusuumada ay u fidisay dowladda Puntland.

Maalina berri ah ayaa loo madlan yahay Caleema Saarka madaxweyne Deni oo ku guuleystay doorashadii madaxtinimada Puntland, xilli ay ka soo qeyb gali doonaan mas’uuliyiin ka kala socota gudaha dalka iyo daafaha Caalamka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM

Puntland oo soo afjartay awooddii ciidamada isbarbar socda kaddib hawlgalladii Gaalkacyo iyo Boosaaso

Xogaha ayaa sheegaya in qorshaha dowladda muddo-xileedkeedu dhammaaday uusan …

  • Puntland

    07-08-2026

  • 04:51AM