Somalia: Daacish oo shaacisay magaca qofkii isku qarxiyey magalaada Bossaso

Image

BOSSASO- Ururka Daacish ayaa wakaaladiisa wararka la yiraahdo AMAQ  ayaa soo bandhigtey sawirka iyo magaca qofkii isku midaamiyey bar-kontrool ay ciidamada amniga Puntland ka fadhiyeen bartmaha magalada Bossaso.

Qoraal lagu qorey bogga kooxdaasi  leedahay ayaa lagu sheegey in ninka fuliyey qaraxaasi magaciisa ku gaabsheen Abu Qadaama oo kasoo jeeda bessha Mareexaan.

Qaraxaan oo ka dhacey agagaarka Hotel Juba magalaada Bossaso ayaa waxaa ku dhintey Shan qof.

Kooxda tageersan ururka Daacish ayaa ku dhuumaaleysata degaano ka tirsan gobolka Barri iyadoo wararku sheegayaan in weerarkaanu yahay kii ugu horeeyey oo is-miidaamin ah ay ka fuliyaan Puntland Somalia.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM