Somalia: Maxkamada Ciidamada Puntland oo dil ku fulisey xubno ka tirsan Al shabaab

Image

BOSSASO, Puntland- Maxkamada ciidamada Puntland ayaa dil ku fulisay 7 eedeysane oo ka tirsanaa ururka Al shabaab kuwasoo qaar kamid ah dilal gaysteen halka kuwo kale lagu qabtey iyaga oo qaraxyo soo galinaya magalaada Bossaso.

Xeer ilaaliyaha Maxkamada ciidamada ee Shanta gobol oo ka tirsan Puntland  Col. Cabdullaahi Xirsi Cilmi ayaa sheegey in 7 qof dalka lagu fuliyey 5 kamid ah gaari yar ku sidey jawaano qaraxyo laga soo buuxiyey halka 2 kamid ah kooxda al shabaab dilal ka fuliyeen magalaada Galkacayo kuwasoo dil lagu xakumey sanadkii 2015.

Labada eedeysane Galkacayo laga soo wareejiyey ayaa mid kamid ah Xeer ilaaliyahu sheegey in magalaada Galkacayo ku diley 23 qof isagoo qirtey in dambigaan uu galey halka nin la yiraahdo Cabdixakiin Xasan Xaamud uu dil iyo dhaawac ka gaystey Hotel Cagaar Wayne oo ku yaal magaalo madaxda gobolka Mudug.

Cabdixakiim ayaa lagu qabtey xaafada Wadajir oo ka tirsan magaalada Galkacayo dhinaca maamulka Galmudug ka arimiyo, isagoo la soo raacey dhiig ka daadanayey.

Magacyada Shanta eedeysane oo lagu qabtey qaraxyada.

1-Cabbaas Ibraahim Yare Adam 

2-Ibraahim Maxamed Canshuur

3-Dhaqane Cabdi Aadan 

4-Xasan Aadan Nuur Aada

5- Nuur Cabdi Aadan Isaaq

Magacyada labada eedeysane oo magalaada Galkacayo ku diley dadka.

1- Cabdulqaadir Maxamad Cali- magalaada Galkacayo waxaa  uu ku diley 23 qof

2-Cabdixakim Xasan Xaamud 

Toogashada eedeysanahaan oo ah midii labaad ay Maxkamada ciidamada tan iyo intii madaxweyne Gaas xilka qabtey ayaa imaaneysa xilli kooxda al shabaab weerar gaadmo ku dileen ciidamo ka tirsan dowlada Puntland.

GAROWEONLINE 

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM