Somaliland oo xirtey nin gabey ku taageerey weerarkii Paris

Image

Dec 12, 2015 (GO)- Ciidamada Booliska  Somaliland ayaa maanta xabsiga u taxaabey Abwaan Cabdiwaaxid Gamadiid oo kamid ahaa tageerayaasha ururada islaamiga ah kadib markii uu gabey cusub tiriyey.

Ciidmaada Booiska Somaliland ayaa Gamadiid ka qabtey gurigiisa oo ku yaala magaalada Hargeysa kadib markii uu dhowaan tiriyey gabey uu ku tageerayo weerarkii ururka daacaish u gaysteen magaalada Paris ee wadanka Faransiika. HALKAN KA DHAGEYSO

Abwaankaan oo horey u tiriyey gabey uu ku tageerayo weerarkii ururka Al-shabaab ku qaadeen suuqa Westgate ayaa waxaa Feb 2014 laga sii daayey xabsiga dowlada Somaliland isagoo u amabaxey Puntland

Ciidamada sirdoonka Dowlada Puntland ayaa Gamadiid ku xirey markale magaalada Bosaso iyagoo ku haysta gabeygaas uu ku taageerayey werarkii ururka Al-shabaab u gaysteen shacablkii ka dukaameysanyey suuqa Wesgate.

Abwaankaan oo muddo lix bilood ah ku xirnaa Bosaaso [Puntland] ayaa waxaa cafis u fidyey madaxweyne Cabdiweli Maxamad Cali Gaas July 2015 kadib markii odey dhaqameedyo ka yimid Somaliland oo kaashanaya kuwa Puntland  kula kulmeen magaalo madaxda Garowe.

Xukuumada Puntland ayaa tan iyo intii  talada la wareegtey sanadkii 2014 ayaa xabsiyada kasii daysey maxaabiis farabadan oo xiraa kamid noqnoshada ururka Al-shabaab.

Warsidaha Garowe online ayaa warbixin ka qorey maxabiistaan laga sii daayey xabsiyada Puntland tan iyo intii u dhexeysay sanadkii 2014-2015 HALKAN KA AKHRI WARBIXINTAAN

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiir Axmed Maclin Fiqi oo jawaab ka helay Puntland

Khilaafkan ayaa sidoo kale saameyn ku yeeshay dadaallo lagu doonayay in lagu xalliyo murannada ka taagan hannaanka doorashooyinka.

  • Puntland

    01-02-2026

  • 12:41PM

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM