Somaliya: Madaxweynaha Puntland oo ku wajahan magaalada Qardho

Image

GAROWE,Puntland-Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamad Cali Gaas oo ku sugan magaalada Muqdishu ayaa wararka warsidaha GO soo gaaraya sheegayaan inuu magaalada Garowe ku soo wajahan yahay maanta galinkeeda hore.

Warsidaha GO ayaa fahansan in Madaxweyne Gaas marka uu kasoo dago garoonka diyaardaha Garowe toos ugu gudbi doono magaalada Qardho halkaasoo la filayo inuu ka furmo shir la sheegey iney isugu imaanayaan Odey dhaqameedka Somaliyeed.

Kulanka Qardho oo khilaaf ka dhex dhaliyay Issimada Puntland qaarkood ayaa safarka madaxweyne Gaas ee magaalada Qardho ku soo beegmaya iyadoo weli aan xal laga gaarin is-fahanwagaas.

Magaalada Garowe ayaa waxaa soo gaarey shaley galab 22 May, 2016 Isimo gaaraya 13 kuwasoo kasoo kicitimey magaalada Qardho. Isimiadaan ayaa kulan maanta la qaadan doono Odey dhaqameedyo magaalo madaxda Puntland shir uga socdey maalmihii la soo dhaafey.  HALKAN KA AKHRI WARSAXAFADEED KASOO BAXAY KULANKAAS.

Wararka laga helayo safarka Madaxweynaha ee Qardho ayaa xusaya inuu xaflada furitaanka ee shirkadaas ka jeedin doono hadal isagoo halkaas ku sugnaan doona muddo labo cisho ah.

Lama oga in kulankaan ka soo qayb gali doonaan qaar ka tirsan madaxda dowlada Federaalka iyadoo horey Boqor Burhan saxaafada ugu sheegey in kulankaan ka madax banaan doono arrimaha siyaasada.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM