Somaliya: Taliyaha Booliska Puntland oo diidey in xilka la wareego

Image

GAROWE, Puntland- Taliyaha Booliska Puntland Gen. Cabdulqaadir Cali Ereg ayaa diidey in maanta May 26, 2016 la wareego xilka kadib markii khilaaf ka yimid kharashiyaad taliyihii hore soo gubiyey.

Warsidaha Garowe Online ayaa rumeysan in taliyihii hore ee laga qaadey ciidamada Booliska Cabdirizaq Afguduud uu munaasabadii xilka wareejinta ku darey in lacag gaareysa 110.000USD lagu leeyahay kuwasoo ah mushaharaad ciidamada ah ee uu soo deynsadey.

Gen. Ereg ayaa ganafka ku dhuftey la wareegida kharashkaan isagoo sheegey in Booliska Puntland uusan qaadi karin culeys dhaqaale islamarkaana aysan cadeyn sida lacagtaan u baxdey.

GO ayaa fahansan in arinkaan maalinta berri ah May 28, 2016 kulan kala yeelan doonaan Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamad Cali Gaas oo safar u ambabaxaya maalinta Sabtida ah HALKAN KA AKHRI 

Taliyihii hore ee ciidamada Booliska Puntland ayaa xilka laga qaadey kadib markii gacan ka hadal dhexmarey saraakisha kale ee Amniga taasoo keentey in eedeymo loo jeediye taliska guud ee ciidamada.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM

Wasiir Axmed Maclin Fiqi oo jawaab ka helay Puntland

Khilaafkan ayaa sidoo kale saameyn ku yeeshay dadaallo lagu doonayay in lagu xalliyo murannada ka taagan hannaanka doorashooyinka.

  • Puntland

    01-02-2026

  • 12:41PM