​Soofe: Waqtigu waa nagu filanyahay hadii Dadku is-diiwaangaliyo

Image

GAROWE, Puntland- Guddiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland, ayaa maanta  soo saarey war-saxaafadeed la xariira shir 11 bishan ka dhacay xarunta PDRC oo looga hadlayay hirgalinta nidaamka Dimuqraadiyadda Puntland.

TPEC, ayaa soo saartay 6 qodob oo ay ku jirto in la yareeyay khidmadii laga qaadi lahaa ururrada iyo Axsaabta la diiwaangalinayo, inkastoo aan war-saxaafadeedkaas lagu cayimin.

Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga KMG ee doorashooyinka Puntland, Maxamud Soofe Xasan ayaa sheegay in wax ka badalka lasameeyay loo gudbin doono golaha Wakiillada maadama waxa la badalay uu yahay xeer.

Soofe ayaa aaminsan in hadii dhakhso ururrada loo diiwaangaliyo doorashada soo socoto lagu qaban karo doorasho qof iyo cod ah.

Shirka qodobada lagasoo saaray ayaa waxaa isugu yimid dowladda iyo bulshada rayidka ah, waxaana lagu lafa guray qaabka nidaamka loo dhaqan galin karo.

Waxaa muuqata in qorshan lagu qaban karin doorashada 2019 taasoo ahayd ballanqaadkii Madaxweyne Gaas waqtigii ololaha doorashadii 2014.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM