Soomaaliya: Baarlamaanka Puntland oo gaarey Go'aan sii hurinaya xiisadda

Image

GAROWE, Soomaaliya - Fadhiga Golaha Wakiillada Puntland ayaa maanta looga hadlay dhowr qodob oo muhiim ah oo ay ka mid yihiin wax-ka-beddelka qodobo kamid ah dastuurka.

Baarlamanka ayaa ansixiyey wax-ka-beddel lagu sameeyey Dastuurka Puntland, waxaana go'aankaan u codeeyey 54 mudane, halka ay diideen 6 mudane.

Wax ka baddalaka ayaa ku saabsanaa in Madaxweynaha, ku-xigeenkiisa iyo Xildhibaannada Wakiillada ay ku yimaaddaan doorasho qof iyo cod ah, iyo sido kale in 9-ka urur ee galay doorashooyinkii deegaanka ee tooska ahaa ay noqdaan xisbiyo.

Baarlamanka Puntland, ayaa sidoo kale kordhiyey codadka lagu waayi karo xildhibaanno oo laga dhigey 44 cod, halka uu hore u ahaa hal dheeri. Wax-ka-bedelka Dastuurka Dawladda ayaa lagu soo saari doonaa Faafinta rasmiga ah.

Magaalada Garowe ayaa laga dareemayay maalmihii lasoo dhaafay degenaansho kadib dhaxdhaxaadin ay wadeen Ismida dhaqanka kuwaas oo kulamo la qaatey dhamaan dhinacyada is heystaa si ay uga hortagaan isku dhacyo hubeysan.

Iska hor imaad ayaa bishii hore ka dhacay magaalada, kaasoo geystay khasaare naf iyo maalba leh, iyada oo dhinacyada is diidan ay isku khilaafeen qodobada maanta la ansixiyey.

Lama oga sid xaaladda noqon doonto, maadaama saamileyda siyaasadda Puntland ay ku kala qeybsan yihiin furista Dastuurka, oo lagu soo beegay xili xasaasi ah oo doorashooyinkii Gollaha degaanka aan u dhicin si loo dhan yahay, islamarkaana mida Madaxweynaha Jan. 28 ay ku jirto hubanti la'aan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo bilowday qorshe cusub oo lagu xoojinayo awoodda Booliiska

Mas’uuliyiinta booliiska ayaa tilmaamay in isbeddelka socda uu horseeday in dhalinyaradii waxbarashada dhammeysay.

  • Puntland

    01-11-2025

  • 06:16AM

Mareykanka oo duqeyn cirka ah ka fuliyay Buuraleyda CalMiskaad ee Puntland

Ciidanka Mareykanka ma aysan shaacin tirada khasaaraha ama faahfaahinta howlgalka, iyaga oo xusay cabsi amni.

  • Puntland

    29-10-2025

  • 09:31AM