Soomaaliya: Buuq hareeyay fadhigi Barlamaanka Puntland.

Image

GAROWE, Puntland - Xildhibaanada Gollaha Wakiilada Puntland oo Maanta lahaa fadhigoodi caadiga ahaa ayaa qorshuhu ahaa in ay ka hadlaan arimaha Deegaanka.

Hase ahaate mudanayaasha Gollaha xubno kamid ah gaar ahaan Xildhibaan, Axmed Jaamac Daad oo ay isku qoys yihiin Madaxweynaha xilka kasii dagaya, Siciid Cabdulaahi Deni ayaa keenay dood ah in laga hadlo Amniga Caasimada Garowe.

Mudanayaashan kooban ayaa ku dooday in ay doonayaan in fadhiyada Barlamaanka laga raro Garowe, islamarkaana loo wareejiyo magaalada Qardho ee xarunta gobalka Karkaar.

Xildhibaanada ayaa kala ah: Axmed Daad, Dhaashane, Sharmaake, Abdirashiid Af-Guduud, iyo Cali Cabdiwaaxid.

Madaxweyne Siciid Cabdulaahi Deni ayaa dadaal ku bixinaya in uu fadhi ka dhigto Qardho halkaasi oo sida la rumeysan yahay uu doonayo in uu ka meel mariyo doonistiisa muddo kororsiga.

Gollaha wakiilada dowladda Puntland oo uu saldhig u ahaa caasimada Puntland ee Garowe rubuc qarni ay Puntland jirto horey looma keenin dood noocaan ah.

Fadhiga ayaa ku dhamaaday buuq kedib markii ay dood kala hortageen mudanayaasha Gollaha ee diidan qodobkaan.

Kulamo u socday Madaxweynaha ay bilooyinka uga hareen mudada xilhayntiisa Dastuuriga ah iyo Isimada ayaan wali laga soo saarin war rasmi ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM