Soomaaliya: Dagaal Toos ah oo u dhaxeeya Ciidamada Puntland iyo Daacish oo ka dhacay G/Bari

Image

BOOSAASO – Markii ugu horreysay, iska horimaadyo toos ah ayaa ka dhacay deegaannada Dhabancaddo, Gubad, Siido, iyo ceelka Aba-Ruc ee ku yaalla buuraleyda Cal-Miskaad, halkaas oo ay isku haleeleen Ciidamada Difaaca Puntland iyo Daacish oo ku dhuumaaleysanayay aagga.

Ilo-wareedyo amni ayaa GO u xaqiijiyay in ciidamada Puntland ay la wareegeen goobo istaraatiiji ah iyo xarumo talisyo oo ay horay gacanta ugu hayeen Daacish. Waxaa sidoo kale la soo wariyay in dagaallada lagu dilay dagaalyahanno ajaanib ah, inkastoo tirada rasmiga ah aan wali la xaqiijin.

Ciidamada Puntland ayaa gacanta ku dhigay xarumaha muhiimka ah ee taliska Daacish, oo ay ka mid yihiin:

Taliska Awaydi
Taliska Wacariyaad
Taliska Salnafeed
Taliska Kaadilay

Dhamaan xarumahaasi waxay ku yaallaan degmada #Ballidhidin ee gobolka Bari.

Tani waxay muujineysaa tallaabo weyn oo ay qaadayaan ciidamada Puntland si ay u xaqiijiyaan amniga aaggaasi, iyagoo sii wada dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada ee khatar ku ah nabadda iyo xasilloonida gobolka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Guulo Waaweyn Ka Gaaray Howlgalka Ka Dhanka ah ISIS

Sanado badan, buuraleyda Cal-Miskaad ayaa ahayd goobaha ugu muhiimsan ee ay argagixisadu ku dhuumaalaysato.

  • Puntland

    04-09-2025

  • 12:11PM

Puntland oo ku eedeysay Madaxweyne Xasan Sheekh inuu jabiyay Dastuurka Soomaaliya

Ilaa hadda, madaxtooyada Soomaaliya kama aysan jawaabin eedeymaha kasoo yeeray Puntland.

  • Puntland

    01-09-2025

  • 06:58AM