Soomaaliya: Dilalkii magaalada Galkacayo oo dib u soo noqdey

Image

GALKACAYO | Magaalada Galkacyo ee xarunta gobalka Mudug ayaa shalay waabarigii lagu dilay sarkaal sare oo ka tirsanaa wasaaradda maaliyadda Puntland kana mid ahaa masuuliyiinti lagu aas-aasay.

Cabdulaahi Khaliif Maxamed oo ahaa khasnajiga wasaaradda maaliyadda Puntland ee gobalka Mudug ayaa la dilay isaga oo kasoo baxay salaada subax masjidka Faaruuq ee magaalada Galkacyo iyada oo lala dhaawacay nin oo kale oo isna masjidka kala soo baxay.

Sarkaalkan ayaa kamid ahaa saraakiishi lagu aas-aasay qaybta gobalka mudug ee wasaaradda maaliyada Puntland waxaana uu la shaqo bilaabay aas-aaskii Puntland.

Dilalka qorsheysan oo ay fuliyaan koox s Al-Shabaab ayaa ahaa kuwo uu gobalka Mudug ka nastay in muddo ah balse haatan waxaa ay u muuqdaan kuwo soo laabtay.

Xukuumada Puntland ee uu hogaamiyo Madaxweyne, Siciid Cabdulaahi Deni ayaa lagu eedeeyay in ay hay'adihii amaanka u isticmaalayso siyaasadda isla markaana ay ku waardiyaynayso agabka diiwaan-gelinta ee doorashooyinka golayaasha deegaanka ee lagu muran-san yahay .

Agabka diiwaan-gelinta ayaa la arkaa iyada oo gobalada Puntland loo kala safrinayo xilli habeenimo ah iyada oo ay galbinayaan ciidamo iyo gaadiid kuwaasi oo ururada siyaasadda ee Puntland ay ku tilmaameen in ay tahay mid hubeysan.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM