Dani oo sababey in dhul boob ka dhaco agagaarka dekada Garacad

Image
Warar xogogaal ah ayaa u sheegey Garowe Online in Madaxweyne Dani horey saami uga qaatey dekada Garacad.

GAROWE, Puntland - Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdulahi Dani ayaa maanta safar aan horey loo shaacin ugu amabaxaya Garacad halkaas oo laga dhisayo dekad cusub oo dhacda Badweynta Hindiya. Safarka Madaxweynaha ayaa waxaa kasoo baxaya xoggo kala duwan.

Warsidaha Garowe Online oo la hadlay dad xogogaal ah waxay u sheegeen in Madaxweynaha Puntland ka doonayo guddiga qaabilsan dhismaha dekada kuwaasoo qaarkamid ah siyaasad ahaan aad isugu dhow yihiin iney u asteeyaan dhul laga dhigo "Free-zone".

"Dani waxaa uu heshiis kula soo galay shirkado shisheeye kuwaas oo qayb ka yihiin ka yihiin xubno ka tirsan qoyskiisa, iney qayb ka noqdaan mashruuca lagu dhisayo dekada Garacad inta ka horeysa dhamaadka muddo xileedkiisa xilka Madaxweynaha Puntland." Sidaas waxaa Garowe Online u sheegey qof aad uga warhaya mashruuca dhismaha Garacad.

Warar xogogaal ah ayaa u sheegey Garowe Online in Madaxweyne Dani horey saami uga qaatey dekada Garacad, madaama danaha xafiiskisa dano badan kaga xiran yahay ganacsatada maalgalineysa mashruucaan. 

Wararka ayaa sheegaya in safarka degdeg ah ee Madaxweynaha Puntland ku tagayo Garacad uu shaki badan ku dhaliyey dadka daga magaalada Garacad kaasoo sababtey in dad badan dhulal ku dhow dekada boobaan.

Dekadda Garacad oo lagu dhisay Hindise isku tashi kaasoo ay hurmuud ka yihiin dadka daga gobolka Mudug ayaa waxaa aad u daneynaya shirkado kala duwan kuwaas oo qaarkood gacansaar la leeyahay Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaanayo ee Puntland.

Shirkada DP World oo horey gacanta ugu haysey dekada Berbera ee Somaliland, dhowaana saxiixdey heshiis labaad oo la sheegey in lagu balaaraniyo dekada Boosaaso ayaa warar aan la xaqiijin sheegayaan iney raadineyso in gacanta ay ku dhigto dekada Garacad ee dhacda badweynta Hindiya.

DP World oo laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabra islamrakaana tartan caalami ah kula jirta dalalka Qatar, Turkey iyo China ayaa iyada lacago siineysa madaxda Soomaalida rabta iney gacanta ku dhigto dekadaha Soomaaliya kuwaas oo dhaca Badda Cas iyo Baddweynta Hindiya.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM