Soomaaliya: Mideeye oo Dacwad u gudbiyay Maxkamada Dastuurka Puntland

Image

GAROWE, Soomaaliya - Urur siyaasadeedka Mideeye ee Puntland ayaa maanta oo Sabti ah u gudbiyay maxkamada Dastuuriga ah ee Puntland dacwad ka dhan ah furista dastuurka dowlada Puntland iyo jebinta dastuurka ee ay sheegeen in ay ku kacday Xukuumada madaxweynaha wakhtigu kasii dhamaanayo, Siciid Cabdulaahi Deni.

Gudoomiyaha urur siyaasadeedka Mideeye, Daahir Xaaji Khaliif ayaa sheegay in ay khaladaad Dastuur iyo jebin samaysay xukuumada Deni isla markaana ay marar badan sheegeen.

Golaha wakiilada dowlada Puntland ayuu sidoo kale Gudoomiyuhu u sheegay in ay ka waan-toobaan Dood dhawaan ay Mudanayaal ku qoys ah Deni ka keeneen caasimada Garowe.

"Garowe sidii ay caasimad ku noqotay waa la ogaa, hadii ay wax yimaadaan ma ahan in la dhaho ha laga guuro".

Mas'uuliyiinta Mideeye ayaa ku tilmaamay Dacwadda mid xujjo ku ah madax-banaanida Garsoorka Puntland iyo saraynta Cadaaladda.

Horey Madasha Siyaasadda Puntland ayaa Dacwad u gudbisay Maxkamada Sare ee Dowlada Puntland taasi oo ka dhan furista iyo jabinta Dastuurka ee madaxweyne Deni.

Maxkamada Sare iyo midda Dastuuriga ah ee Puntland ayaa lagu hayaa indhaha sida ay uga jawaabaan galal dacwadeedyada loo gudbiyay.

Iyada oo ay socdaan dadaalada Isimada iyo kulamo ay la qaateen madaxweynaha mudada xil-hayntiisa Dastuuriga ah ay bilooyinka uga hareen, Siciid Cabdulaahi Deni ayaa misana mudanayaal taaban Deni waxaa ay sii wadaan ka hadlida qorshayaasha horyaalla Garsoorka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM

Puntland oo soo afjartay awooddii ciidamada isbarbar socda kaddib hawlgalladii Gaalkacyo iyo Boosaaso

Xogaha ayaa sheegaya in qorshaha dowladda muddo-xileedkeedu dhammaaday uusan …

  • Puntland

    07-08-2026

  • 04:51AM