Soomaaliya oo $4.8 milyan uga deeqdey gurmadka dhul-gariirka Turkiga

Image
Ugu yaraan 44,374 qof ayaa ku dhintay, in ka badan 1.5 milyan ruuxna way saameysay musiibadan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa Axada maanta ah waxa ay ku dhawaaqdey wadarta lacagta ay uruurisay gurmadka dadka ay waxyeeladda kasoo gaartey dhul-gariirka Turkiga.

Wasiirka arrimaha gudaha, Axmed Macalin Fiqi oo ka hadlay munaasabad lagu wareejiyay deeqdan, ayaa sheegay in lacagtaas ay isku-darkeedu dhan yahay 4.8 milyan oo doolar-ka Mareykanka ah.

"Hadafkeenu waxa uu ahaa in aan gaarsiino $5 milyan. Laakiin waxaan usoo dadajinay in uusan waqtiga naga dhamaan. Tabarucaada wali way noo furan tahay," ayuu hadalkiisu sii raaciyey.

Ugu yaraan 44,374 qof ayaa ku dhintay laba dhulgariir oo xoog badan oo ku dhuftay koonfurta Turkiga 6-dii Febraayo, sidda uu sheegay sarkaal ka tirsan wakaaladda masiibada ee qaranka.

Dhowr waddan oo gobolka ah oo ay ku jiraan Suuriya iyo Lubnaan ayaa sidoo kale laga dareemay dhul-gariirkii xoogganaa ee ku dhuftay Turkiga wax ka yar 10 saacadood.

Tacsi ayaa ka soo yeertay caalamka oo dhan iyagoo dowladaha ay muujinayeen taageerada Turkiga, iyadoo dalal badan ay u soo direen kooxaha gurmadka iyo gargaarka.

"In ka badan 230,000 oo shaqaale ah ayaa hadda ka shaqeynaya goobaha samatabixinta," ayuu raaciyay. "Ugu yaraan 9,900 dhismeyaal ayaa ku burburay musiibadan," ayuu kusii daray.

"Waxaan u dirnaa in ka badan 10,000 oo teendho ah celcelis ahaan gobollada maalin kasta, waxaanan geynaa geesaha ugu fog. Hadda waxaan leenahay 287 magaalo teendho ah oo gobolka ah," ayuu yiri Sezer.

In ka badan 1.5 milyan oo qof oo ay dhibaatadu saameysey ayaa degan teendhooyin. 563,000 oo qof ayaa laga daadgureeyay meel ka baxsan aagga musiibada. Gargaarka ayaa wuxuu yahay wali socda oo aan joogsan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM