Soomaaliya: Qoys carruur iyo xoolaba ku waayey daadad kusoo rogmaday

Image

Wararka ka imaanaya gobolka Bari ee Soomaaliya ayaa sheegaya in qoys reer miyi ah oo ku noolaa baadiyaha degmada Waaciye ay daadadkii ka soo rogmaday roobabkii mahiigaanka ahaa ee maalmahanba halkaas ka da'ayay ay kala tageen 3 wiil oo ay dhaleen.

Roobabkii gu'ga ayaa ka curtay qaybo badan oo kamid ah Soomaaliya ayaadoo meelaha qaarna laga soo sheegayo khasaare ay roobabkaasi dhaliyeen.

Dhulkaas ayaa ah dhul dooxo ah oo biyo mareen ah, waxayna wararku sheegaya in biyihii marayey mid ka mid ah togogga halkaas kuyaal ay qaadeen carruurtaas.

Abbaha dhalay carruurtaas oo BBC-da u warramay ayaa sheegay in roobku uu ku bilowday xilli habeen ah markii roobku xoogaystayna uu daadku qaaday aqalkii ay dagganaayeen.

Wuxuu intaas ku daray in markii ay damceen in dhulka sare ee buuralayda ah u baxsadeen ay la kulmeen tog aysan filayn oo ka qaaday saddex carruur ah oo uu dhalay.

Ismaaciil ayaa sida uu BBC-da u sheegay waxaa u badbaaday laba carruur ah iyo xaaskiisii halka saddex wiil oo uu dhalayna ay biyuhu la tageen.

"Saddex waa dhimatay, laba carruur ah ayaa ii hadhay, mid kamid ah hooyadiis ayaa xambaarsanayd mid ka kalena waxa uu jiray magaalada Carmo" ayuu yidhi Ismaaciil oo ah aabbaha ay dhibaatadu soo gaartay.

Ubadkiisii uu waayey ka sokoow waxa uu sheegay in xoolihii uu haystay oo Ari u badnaa ay dhaafeen, balse gurmad iyo gacanba uu ka helay dadka deegaanka.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in roobabka mahiigaanka ah ee halkaas ka da'ay iyo daadadka kasoo rogmaday dhulka buuraleeyda ah ay saamayn taban ku yeesheen qoysaska reer guuraaga ah ee kunool deegaanadaas.

BBC

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM