Sucuudiga: Dhimashada Masjidka Xaramka oo korortay

Image

Ugu yaraan 107 qof ayaa ku dhimatay in ka badan 230 kalana waa ay dhaawacmeen, kaddib markii uu dumay wiish qaada qalabka dhismaha oo ka dhex shaqeynayay masjidka Xaramka ee ku yaalla magaalada barakaysan ee Makah Al-Mukaramah ee waddanka Sucuudiga.

Wiish aad u weyn oo gaduud ah ayaa waxa uu ku burburay qeyb ka mid ah masjidka barakaysan ee aadka u weyn - kaasi oo ah masjidka ugu weyn dunida - goobtaasi oo ay xilligaasi ka buuxeen dad cibaadaysanayay.

Madaxa waaxda dicaafa madaniga ee Sucuudiga ayaa sheegay in dabeylo iyo roobab xooggan ay sababeen in wiishku uu burburo.

Magaalada Makah ayaa haatan waxa ay isu diyaarinaysaa martigelinta acmaasha Xajka ee sanadlaha ah.

Dabayaaqada bishan ayaa la filayaa in boqolaal kun oo qof oo Muslimiin ah ay gaaraan magaaladaasi iyagoo ka kala tegaya daafaha dunida.

Xigasho: BBC

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM