Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan oo Garowe lagu soo dhoweeyey

Image

Isniin, September 22,2014 [GO]- Waxaa maanta si diiran loogu soo dhoweeyey magaalo madaxda dowlada Puntland ee Garowe Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan oo ah Suldaanka beelaha Warsangali.

Suldaanka iyo wafdigiisa oo gaarayey ilaa sodon xubnood ayaa waxaa magaalada Garowe banaankeeda ku soo dhoweeyey xubno ka tirsan dowlada Puntland ee uu hogaaminayo Madaxweyne ku-xigeenka Cabdixakiim Cabdulahi Xaaji Cumar, waftiga ayaa intaas kadib loo galbiyey xarunta madaxtooyada  halkaasoo ay kula kulmeen Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Cali Gaas.

Booqashada Suldaanka ayaa timid maalmo kadib markii kulan loogu magacdaray Guuleed 2 uu beesha Wansangeli ugu soo gabagaboobay degmada Xingalool. Garowe ayaa horey waxaa ugu sugnaa Isimo iyo cuqaal ka yimid gobolada Sool iyo Cayn.

GAROWEONLINE

Related Articles

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM

Puntland oo Qabanaysa Shir Ku saabsan Dhismaha Dawladnimada Soomaaliya

Madaxweyne Deni ayaa intaa ku daray, “Siyaasiyiintu mararka qaar waxay leeyihiin danahooda gaarka ah.

  • Puntland

    11-12-2025

  • 09:39AM