​Suuqyada Ganacsiga Bosaso oo xiran iyo xukuumadda oo aamusan

Image

BOSASO, Puntland- Maalintii afraad waxaa xiran inta badan suuqyada magaalada Bosaso ka dib markii dowladda Puntland ay ku soo rogtay cashuur cusub taasoo ay diideen ganacsatada kala duwan ee ku dhaqan xarunta gobolka Bari.

Ganacsatada oo cabasho arrintan ku saabsan u gudbiyey maamulka gobolka iyo hay’adaha qaabilsan cashuuraha, ayaa wax jawaab ah ka helin dhinacyadaas.

“Maanta ku afar suuqa Bosaso waa xiran yahay qaabka uu xiran yahayna waa cashuuro cusub oo hadda ay dowladdu soo rogtay,” Sidaas waxaa yiri mid kamid ah Ganacsatada Bosaso oo la hadlay Idaacadda VOA.

Ganacsadahan oo lagu magacaabo Xaaji Maxamed Siciid ayaa intaasi ku daray “Cashuurahan waa dhawr is daba jooga oo  nagu cusub hadda tan suuqyada xirtay waa cashuur tiro ah tirada laga qaado baa la cashuuraya maaha cashuur soo martay Barlamanka waana cashuur aan Bosaso dhaafsanayn”.

Ganacsadan ayaa sheegay inuusan jirin goob ganacsi oo ka furan magaalada Bosaso balse xiriir ay GO la samaysay goob joogaal ku sugan suuqyada magaalada ayaa ku ogaanay in goobo ganacsi oo aan badnayn ay furan yihiin kuwasoo ka baxsan suuqyada waawayn ee muhiimka ah.

Warsidaha GO oo dhinaca kale waydiiyey sababta ganacsatada u diidan yihiin iney bixiyaan cashuurta ayey u sheegeen ineysan kalaooni ku qabin xukumada in lacagtaan lagu qabanayo howlaha taagan iyadoo horey uga gaabsey iney wax ugu qabato lacagaha kale oo soo gala.

Ilaa hadda arrintan kama hadlin xukuumadda Puntland, waxaana tallaabadan saamayn ku yeelanaysaa ganacsiga guud ee dalka iyo dadka ka raadsada Nolol maalmeedkooda.

GAROWEONLINE

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM