Taageerihii ugu saamaynta Badnaa Garowe [Daawo]

Image

GAROWE, Puntland- Maxamed Yamani, wuxuu kamid yahay dhalinyarada ku nool magaalada Garowe, gaar ahaan bahda xiisaysa daawashada ciyaaraha Yurub gaar ahaan horyaallada England, Spain iyo Talyaaniga.

Waa shakhsi aad u taageera kooxda Barcelon ilaa heer uu gaaray ay noqoto astaan aan marnaba laga waayin agtiisa.

Dhawaan kooxda Barcelona oo taariikh cajiib ah ka dhigtay horyaalka Kooxaha Yurub, ayaa sababta in Maxamed uu sameeyo arrin ku cusub taageerada cayaaraha iyo dhaqamada magaalada Garowe.

Wuxuu baabuurkiisa ku sharaxday Calanka Kooxdaas, isagoo sawirkiisa ku ag-dhajiyay laacibiinta kale ee kooxda reer Catalans.

“Ilaa yaraantaydii ayaan taageeri jiray Barcelona, waa naadi aan jeclahay noloshayda oo dhan ayay saamayn ku leedahay, waxaan jeclaan lahaa in carruurtayda ay taageeraan Barcelon, xitaa Gurigayga waxaan ka dhigi lahaa Barcelona, hadii la iga yeelayo waxaana boorar magaca Barca ku qorantahay aan ka taagi lahaa Garowe,”Sidaas ayuu Maxamed u sheegay GO.

Wuxuu xusay in arrintan uu samaynayo ay isaga la tahay caadi, balse dadku u arkaan nin waalan taasna aysan waxba u dhimay taageeranimadiisa.

Tallaabadan uu qaaday ayuu sheegay in caqabado kala duwan kasoo wajahday gaar ahaan inuu bannaanka ku aamini waayay baabuurkiisa isagoo ka cabsanaya in laga jabiyo.

Isagoo sii hadlaya, Maxamed wuxuu qiray in kooxdiisa ay ugu horayso uguna cajiibsantahay naadiyaasha ka jira Caalamka.

Waa markii ugu horaysay uu taageero ku sugan magaalada Garowe baabuurkiisa uu ku sharaxo astaan ama calaamad uu leeyahay naadi ka dhisan caalamka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM