Taalo loo sameynayo gudoomiyihii gobolka Mudug ee dowlada Puntand

Image

GAALKACYO, Puntland – Dowladda Puntland ayaa sheegtay in ay Taalo uga dhiseyso magaalada Gaalkacyo gudoomiyihii ugu magacownaa goboka Mudug ee horaantii bishaan ay A-Shabaab qaraxa ku dishay.

Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, wasiirka arrimaha gudaha Puntland, ayaa munaasabdda tacsida marxuumka oo shalay ka dhacday Gaalkacyo ka shaaciyey in sidoo kale xukuumadda ka war-qabeyso qoyskiisa.

Axmed Muuse Nuur-yarre ayaa 17—kii bishaan May, 2020 ku geeriyooday is-miidaamin oo argagixisada kula eegatay afaafka hore ee xarunta gobolka. Weerarkaas waxaa sidoo kale lagu dilay shan kale.

"Mana noqon doonto xuska aynu xuseyso tacsiyeyntiisa in uu intaa ku ekaado; dowladda Puntland waxay ka war-qabi doontaa hadii Ilaahey idmo qoyskiisa iyo caruurtiisa; waxaa kaloo horey leyskula qaatay Taalo gobolka looga sameeyo," ayuu Dhabancad yiri, isagoo digniin u diray Shabaab.

Gudoomiyaha cusub ee loosoo magacaabi doono qaybta ay Puntland ka maamusho gobolka Mudug ayuu ka tibaaxay in uu noqon doono midkii ciribtiri lahaa isla markaana soo afmeeri lahaa jiritaankooda.

Ka qeyb-galeyaasha munaasabadda ayaa isla qiray in marxuumka uu ahaa "geesi u heelanaa la dagaalanka kooxaha amni darada ka shaqeeya".

Laamaha ammaanka oo durba bilaabay baaritaanka qaraxaas ayaa xaqiijiyey in ay hayaan raad wacan isla markaana ay ka go'an tahay siddii loogu aari ahaa Axmed loona soo qaban lahaa gacan ku dhiigleyaasha.

Iyaddoo ay noqoneyso gudoomiyihii labaad oo ku dhowaad laba bilood gudaheeda ah ay Al-Shabaab ka disho Puntand, madaxweyne Deni wuxuu xusay in meel fiican marayo baaritaanka dilka madaxii gobolka Nugaal.

Al-Shabaab ayaa dareemeysa cadaadis kaga imaanaya hay'addaha nabad-gelyadda Puntland oo sarre u qaaday howlgalada lagu baac-sanayo kuwaas oo si dardar leh uga soconaya magaalooyinka waaweyn oo idil.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM