Talaabo loo qaadey kordhinta dakhliga dekada Boosaaso

Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland, Xasan Shire Cabdi oo ay weheliyaan Wasiir kuxigeenada Maaliyadda iyo Wasiiru Dowlaha Maaliyadda, ayaa la kulmay qaybo ka mid ah Ganacsatada Puntland.

Shirkan oo ahaa shirar is-daba joog ah ayaa looga hadlay soo dejinta iyo kor u qaadida dakhliga kasoo xarooda ganacsiga dekeda Boosaaso iyo lacagta sales-ka iibka sidii loo bixin lahaa si loogu horumariyo baahiyaha dalka taasoo Wasiirku ku ammaanay ganacsatada iney wax badan kala qabteen dowladda.

Xasan Shire Cabdi ayaa ka hadlay muhiimada shirka iyo arrimaha looga hadlay. Wuxuu sheegay in ay ganacsatada isku afgarteen shirarka ay isla qaateen.

"Shirar is daba joog ah ayaan la qaadanay ganacsatada wax soo dejisa oo aan kala hadalnay soo dejinta iyo kor u qaadida dakhliga kasoo xareeda ganacsiga dekeda iyo lacagta sales-ka ee iibka in la bixiyo oo baahiyaha ugu muhiimsan oo ay kamid yihiin waddooyinka lagu bixiyo," ayuu yiri

Isaga oo hadalkiisa sii wata, wasiir Xasan ayaa carabka ku adkeeyay in ay shir la qaateen Wasaaradda qaybta dakhliga iyo sidii kor loogu qaadi lahaa cashuuraha.

"Waxyaabihii ugu muhiimsanaa waxaa kamid ah in bishan haddii ay dhammaato aanu bilaabi doono khasnadii mideysnayd oo Bangiga Wasaarad kasta si mideysan ugu dhici doonaan dakhligoodu," ayuu tibaaxay.

Wasaaradaha ayuu cod dheer ugu tartarsiiyey in mas'uuliyad ay iska kaasaaraan in ay ilaaliyaan nidaamka cashuurta iyo inay bixiyaan cashuuraha iyaga soo mara.

"Waxaan Wasaaradaha ugu baaqaynaa in ay Ilaaliyaan nidaamka cashuurta , inay bixiyaan cashuuraha iyaga soo mara, sidoo kale mideynta shatiyada - nidaam ayay dowladdu sameysay oo ah shati aan dowladda soo marin inaan la aqbali doonin," ayuu xusay.

Ganacsatada ku dhaqan guud ahaan dgaanadda Puntland ayuu uga mahadceliyay  sida ay cashuurta u bixiyaan si ay Dawladdu u gudato waajibaadkeeda shaqo ee dalka.

Ugu dambeyn Mudane Xasan Shire Cabdi ayaa ugu baaqay shacabka Puntland inay bixiyaan cashuurta si kor loogu qaado kaabayaasha dhaqaalaha iyo horumarka Puntland.

"Waxaan ummada reer Puntland ugu baaqaynaa inay cashuurta bixiyaan, haybadnimada dowladaa aynu haysano waa cashuurta hadeynaan cashuurtaas helin ma yeelanayno haybadaas," ayuu hadalkiisa kusoo afmeeray.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM