Taliska ciidamada Darawiishta Puntland oo ka hadlay xuquuq ka maqan [Daawo]

Image

GAROWE, Puntland- Hogaanka sare ee ciidanka Daraawiishta Puntland oo maanta warbaahinta kula hadlayay magaalada Garowe, ayaa faah faahin ka bixiyay xuquuqda ka maqan ciidamada iyo wararka ku saabsan in dowladdu bixisay mushaharka shaqaalaha dowladda sida lagu sheegay war-saxaafadeed dhawaan kasoo baxay wasaaradda Maaliyadda.

Shirkan Jara’id oo si wadajir ah u qabteen taliye ku-xigeenka ciidanka Daraawiishta Puntland, General Dayr Xaaji Cabdi, taliyaha ururka taliska Gaashaanle sarre Maxamed Ducaale Maxamuud (Ayax) iyo Afhayeenka Ciidanka Daraawiishta Gaashaanle sarre Maxamuud Maxamed Axmed (Gubadle), ayay ku sheegeen inaysan jirin wax xuquuq ah oo ay heleen muddo dhan Labo Sano iyo Sideed Bilood.

General Dayr, ayaa xusay in iyagu mas’uul ka yihiin ciidanka islarmarkaana aysan jirin wax kharashaad ah oo isugu jira mushahar iyo Gunooyin la siiyay ciidanka muddo dhan 30 bilood, wuxuuna gashaanka ku dhuftay warka kasoo baxay wasaaradda.

Wuxuu fariin u diray dhammaan hay’addaha xuquuqul insaanka iyo Garsoorka inay soo farogashtaan arrintooda islamarkaana meel la saaro xaqa ka maqan isagoo codsaday in loo kala gar-naqo iyaga iyo xukuumadda.

Dayr ayaa xusay in dowladdu wado iska horkeen ku aadan ciidamada iyo taliskooda, wuxuuna sabab uga dhigay shir saxaafadeedkooda eedayn uga timid ciidamada oo ku aadan inay lunsadeen xaqoodii.

Wuxuu intaas ku daray in ciidamada ugu badan ee aan xaqa helin ay yihiin kuwa ku sugan gobollada Nugal, Sool iyo Cayn.

Dhanka kale saraakiisha shirkan ku wehelisay Taliyaha ayaa sheegay inay diyaar u yihiin difaaca Puntland oo aysan shuruud ku xirayn, balse dowladda looga fadhiyo inay bixiso xuquuqdooda.

Hadalkan ayaa imaanaya xilli tan iyo markii Madaxweyne Gaas uu qabto xilka Madaxweynaha sannadkii 2014 taasoo keentay in ciidamadu qabsadaan xarumo muhiim ah oo dowladdu leedahay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM