Taliska Qaybta Booliska Nugal oo shacabka u digay

Image

GAROWE, Puntland- Taliska qaybta Booliiska gobolka Nugal ayaa ka hadlay xaaladda magaalada Garowe iyo khilaaf kala dhaxeeyay maamulka gobolka, taasoo talisku ku eedeeyay inay la wareegeen shaqadooda.

Taliyaha Qaybta Booliiska gobolka Nugal, Cabdirashiid Xinjira Dhuuq oo la hadlayay Radio Garowe, ayaa sheegay in xaaladda ammaanka Garowe ay tahay mid aad u wanaagsan, waxuuna baaq u diray shacabka caasumadda.

Cabdirashiid, ayaa sheegay in waqtiga roobka uu bato shilalka baabuurta, kuwaasoo doonaysa inay u dalxiis tagaan meel ka baxsan magaalada, wuxuuna ugu baaqay inay yareeyaan arrintaas inta dhulku qalalayo.

Wuxuu xusay in shacabka laga doonayo sidii ay uga shaqayn lahaayeen ammaanka, isagoo xusay in talisku xoojiyay nabad galyada.

Mar wax laga weydiiyay halka uu ku dambeeyay khilaaf kala dhaxeeyay maamulka gobolka Nugal, wuxuu sheegay in arrintaas laga hishiiyay arrintu  u socoto siday rabeen.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM