​Taliyaasha Booliiska Puntland iyo QM oo Garowe ku kulmay

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland- Taliyaha ciidamada Puntland, ayaa maanta magaalada Garowe kulan kula qaaday dhiggiisa Qaramada Midoobay u  jooga Somalia, ninka lagu magacaabo Christoph buik .

Wasiir ku xigeenka Amniga Puntland ahna ku simaha Wasiirka wasaaraddaasi, Cabdicasiis Aadan Guul  iyo Sharciyaqaano, ayaa shirka qayb ka ahaa,waxaana la isku raacay in la sameeyo Guddi farsamo oo ka shaqeeya Qaabdhismmeedka Cusub  ee Ciidamada Booliska Somalia.

Shirkan oo ka dhacay Xarunta Hay'adda Cilmi Baarista Puntland ee PDRC ayaa loga hadlayay Qaab-dhismmeedka Cusub ee ay yeelanayaan  Ciidamada Booliska Somalia, oo la sheegay in tayayn lagu wado.

Taliyaha Ciidamada Booliska Puntland Jen. Cabdulqaadir Shire Faarax Ereg, ayaa sheegay in Tayaynta Ciidamada Booliska Puntland meel fiican marsiinayaan, balse u baahan-yihiin in laga gacansiiyo dhinaca Tababarada iyo inay helaan Dugsiyo aqoontooda kor loogu qaado oo iyaga u gaaar ah.

Erag ayaa tilmaamay in Ciidamada Booliska Somalia, qaab-dhismeedkooda cusub lagu saleeyo Cilmiga iyo cudud booliska  Maamul kasta uu leeyahay.

Dhinaca kale, Taliyaha QM u qaabilsan  Booliska Soomaaliya Christoph buik ayaa sheegay in Qaabdhismmeedka Cusub ee ay yeelanayaan Ciidamada Booliska Somaliyeed in uu wax badan ka badali-doono Amnig dalka, isagoona Puntland ku ammaanay xasiloonida ay ku naaloonayaan.

Kulankan ayaa yimid xilli taliyaha Booliiska Puntland uu kormeerro ku marayay qaar kamid ah saldhigyada ciidamada hoos yimaada kuwaasoo kala hadlayay arrimo ku aadan kor u qaadista xir-fadooda.

GAROWEONLINE.

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM