Taliyaha Boliiska gobolka Bari oo hadal caro leh u jeediyay dadka deegaanka [Dhagayso]

Image
Image
Image
Image
Image

16 January, 2016(GO)-Taliyaha qaybta Boliiska gobolka Bari Gaashaanle Sare Cabdixakiim Yuusuf Xuseen ayaa maanta hadal caro leh u jeediyay dadka ku nool gobolkaasi oo uu ku eedeeyay inay wadaan arrimo ka dhan ah xasilooninada iyo wado dagaanaansha.

Cabdixakiim oo shir jara'id maanta ku qabtay magalada Bosaso ayaa tilmaamay in gobolka qof walba u simanyahay islamarkaana aysan jirin cid gooni ah oo laga leeyahay, wuxuuna arrintaas ku tilmaamay mid shacabka gobolka Bari ka dhaxli doonaan cawaaqib xumo keeni karta in caruurtooda afka ku qaataan.

Macaddayn taliyuhu sababta keentay inuu jeediyo hadalka caradiisu halkaas gaarsiisantahay, balse waxa uu ku koobay dadka uu lahadlayo inay wadaan falal amni darro, isagoo xusay inay gacanta ku dhigi doonaan shakhsi kasta oo lagu helo ku lug lahaanshaha xasilooni darrada gobolka.

Waxaa uu sheegay shakhsiyaadka qaska wada inay huwanyihiin magac qabiil, balse markay runta tagto jiri doonin qabiil ama koox ka daba imaan doonta, waxaa uuna ugu baaqay inay ka joogsadan arrimaha lagu eedaynayo.

Maaha markii ugu horraysay oo taliyaha ciidanka Boliiska gobolka Bari hadalladan oo kale u jeediyo dadka ku dhaqan gobolkaasi, sannadkii hore ayayna ahayd markii rabshad dhexmartay arday iyo macaliimta Iskuulka Al-Najax Bosaso uu da'yarta Iskuulkaasi ku sifeeyay kuwo aan waafaqsanayn sharciga Islaamka isagoo si bareer ah u yiri "Najaaso, wacallo , xaaraan lagu koriyey".

Hadalkaas waxaa si aad ah uga carooday waalidiinta iyo waxgaradka Bosaso, mana jirto wax tallaabo ah oo dowladda Puntland ka qaaday gaar ahaan Madaxweyne Gaas.

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni: Puntland ma aqbalayso Mashaariic siyaasadaysan

Maamulka Deni ayaa si adag uga soo horjeeda waxa uu ku tilmaamay faragelin siyaasadeed oo ka imaanaysa Villa Soomaaliya.

  • Puntland

    14-06-2025

  • 04:47PM

Ciidamada Puntland oo qabtay Ajaaniib sameynayay Kalluumaysi Sharci-darro ah 

Safaaradda Yemen ee magaaladda Muqdisho iyo hay’adaha kale ee Soomaaliyeed ayaa lagu wargeliyay arintan.

  • Puntland

    26-05-2025

  • 08:01AM