Booliska Bari oo ganacsatada ku eedeeyey taageerada Al-shabaab

Image

February 9, 2015 (GO)- Taliyaha qaybta booliska gobolka Bari ayaa ku eedeeyey dadka deegaanka gaar ahaan ganacsatada inay gacan siiyaan xubnaha Al-shabaab ee dhibaatada ka geysta magaalada Bosaso ee xarunta gobolka Bari.

Gaashaanle Sare Cabdixakiim Yuusuf Xuseen oo shalay isaga iyo saraakiisha kale ee ugu sarreysa taliska booliska Puntland si wadajir ah shir-jaraa'id u qabteen, wuxuu sheegay in Shabaabku gacansaar dhow la leeyihiin ganacsatada waaweyn qaarkood.

"nimanka dalka iyo dadka soo weeraraya waxay ku xiran yihiin oo gabbaad u ah dadka ganacsatada ah oo deegaanka jooga" ayuu yiri isagoo xusay inay jiraan qaar kamid ah shaqaalaha dowlada oo xiriir dhow laleh Al-shabaab.

Isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu intaas raaciyey in hadda kadib ciddii lagu helo taageerada Al-shabaab tallaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono islamarkaana aan wax naxariis ah loo muujin doonin.

" cidda hoyga siisey dhammaantood anagu waxan u aqoonsaneynaa inay isku kiis yihiin oo ay Al-shabaab yihiin...dadka soo dhoweeyeyna tallaabo ayaanu ka qaadeynaa"

Ugu dambeyntii wuxuu baaq u direy dadweynaha isagoo ka codsaday inay si dhow ula shaqeeyaan laamaha ammaanka soona gudbiyaan xog kasta oo sahleysa sugidda nabadgelyada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiir Axmed Maclin Fiqi oo jawaab ka helay Puntland

Khilaafkan ayaa sidoo kale saameyn ku yeeshay dadaallo lagu doonayay in lagu xalliyo murannada ka taagan hannaanka doorashooyinka.

  • Puntland

    01-02-2026

  • 12:41PM

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM