Booliska Bari oo ganacsatada ku eedeeyey taageerada Al-shabaab

Image

February 9, 2015 (GO)- Taliyaha qaybta booliska gobolka Bari ayaa ku eedeeyey dadka deegaanka gaar ahaan ganacsatada inay gacan siiyaan xubnaha Al-shabaab ee dhibaatada ka geysta magaalada Bosaso ee xarunta gobolka Bari.

Gaashaanle Sare Cabdixakiim Yuusuf Xuseen oo shalay isaga iyo saraakiisha kale ee ugu sarreysa taliska booliska Puntland si wadajir ah shir-jaraa'id u qabteen, wuxuu sheegay in Shabaabku gacansaar dhow la leeyihiin ganacsatada waaweyn qaarkood.

"nimanka dalka iyo dadka soo weeraraya waxay ku xiran yihiin oo gabbaad u ah dadka ganacsatada ah oo deegaanka jooga" ayuu yiri isagoo xusay inay jiraan qaar kamid ah shaqaalaha dowlada oo xiriir dhow laleh Al-shabaab.

Isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu intaas raaciyey in hadda kadib ciddii lagu helo taageerada Al-shabaab tallaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono islamarkaana aan wax naxariis ah loo muujin doonin.

" cidda hoyga siisey dhammaantood anagu waxan u aqoonsaneynaa inay isku kiis yihiin oo ay Al-shabaab yihiin...dadka soo dhoweeyeyna tallaabo ayaanu ka qaadeynaa"

Ugu dambeyntii wuxuu baaq u direy dadweynaha isagoo ka codsaday inay si dhow ula shaqeeyaan laamaha ammaanka soona gudbiyaan xog kasta oo sahleysa sugidda nabadgelyada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Guulo Weyn Ka Gaaray dagaalka Buuraleyda Cal-Miskaad

Hawlgalka ayaa sidoo kale lagu helay meydadka dagaalyahanno la rumeysan yahay in lagu dilay duqeymo uu qaaday AFRICOM.

  • Puntland

    06-10-2025

  • 01:11PM

Markab Ganacsi oo Dab Qabsaday isagoo Kusoo jeeda Boosaaso, Puntland

Warbixinno dheeraad ah ayaa muujinaya in markabkan uu leeyahay shirkad lagu magacaabo HRM and Sons.

  • Puntland

    23-09-2025

  • 09:46AM