​Taliyaha Ciidanka Puntland oo Garowe lagu soo dhaweeyay

Image

GAROWE- Mamulka gobalka Nugaal, kan degmada iyo dadwayne ku labisan calanka Puntland ayaa duleedka Bari ee Garowe kusoo dhaweeyay taliyaha ciidanka difaaca Gen.Siciid Maxamed Xirsi (Siciid Dheere), taliyaha ayaa ka yimi deegaanka Garacad oo ahayd halkii ugu danbeysay ee lagula dagaalamay Al-Shababka weerarka soo qaaday.

Gudoomiyaha Gobalka Nugaal Cumar Cabdilaahi Farawayne oo dadka soo dhaweeyay taliyaha qayb ka ahaa ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay in howlgalkii DANAB si guul ah kusoo dhammaaday,waxa uu sheegay howlgalkaasi oo uu hoggaaminayay Siciid Dheere inuu taariikhda galay.

Gen.Siciid Dheere Taliyaha ciidanka difaaca Puntland oo tan iyo markuu dagaalka bilowdey ku sugnaa deegaanka Garacad ayaa dadwaynihii soo dhaweeyay uga mahad celiyay qadarinta ay u hayaan, waxa kale uu sheegay in Alle ka sakow guusha DANAB ay keeneen ciidanka difaaca Puntland oo dagaal wajiyo kala duwan leh ku qaaday kooxdii duulaanka soo qaaday.

Shacabka ayuu Siciid Dheere ugu baaqay inay sii wadaan dadaalkooda, waxa kale uu sheegay inuu bilow yahay dagaalka Al-Shabab lagula jiro, maadama kooxdii firxadka qaar ka mid ah ay magaalooyinka soo galeen.

Dagaal yahano ka tirsan Al-Shabab oo tiradoodu kor u dhaafaysay 500 ayaa 14-ka bishaan soo galay xeebaha Mudug iyo Nugaal, waxaana dagaal ay ciidanku ku qaadeen kaga dileen in ka badan 200 , tiro dhow 100 maxbuus-na way kaga qabteen.

Wasiirka Amniga Puntland Cabdi Xirsi Cali ayaa sheegay in 57 kooxdaasi u qaabilsan dilalka qorshaysan  iyo qaraxyada ay qabteen kuwaasoo ku kala xiran magaalooyinka Puntland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo bilowday qorshe cusub oo lagu xoojinayo awoodda Booliiska

Mas’uuliyiinta booliiska ayaa tilmaamay in isbeddelka socda uu horseeday in dhalinyaradii waxbarashada dhammeysay.

  • Puntland

    01-11-2025

  • 06:16AM

Mareykanka oo duqeyn cirka ah ka fuliyay Buuraleyda CalMiskaad ee Puntland

Ciidanka Mareykanka ma aysan shaacin tirada khasaaraha ama faahfaahinta howlgalka, iyaga oo xusay cabsi amni.

  • Puntland

    29-10-2025

  • 09:31AM