Taliyaha cusub ee booliska Puntland oo xilka la wareegay

Image
Image
Image
Image
Munaasabadda xil wareejinta oo ka dhacdey Garowe waxaa ka qeybgalay mas'uuliyiin badan.

GAROWE, Puntland - Taliyaha cusub ee Ciidanka Booliiska Puntland, Maxamed Cali Xaashi ayaa la wareegay Xilka Taliyaha uu dhawaan u magacaabay Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni.

Munaasabada Xil wareejinta Talyaha ciidanka Booliska Dowlada Puntland waxaa ka qayb galay Gudoomiyaha Gudiga Dib uhabayn Ciidamada Dowladda Puntland ahna Wasiirka Maaliyadda Xasan Shire Cabdi.

Wasiirka Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta, Cabdisamada Maxamed Gallan, Taliyaha Ciidanka Daraawiishta  S/Gaas. Yaasiin Cumar Dheere, ayaa sidoo kale kasoo muqudey xafladda.

Gudoomiyaha Xuquuqul Insaaka, Gudoomiyha Ururka MAP, taliyeyaasha qaybaha kala duwan ee Puntland, saraakiisha Booliska iyo bulshada qaybaheeda kala duwan ayaa si lamid ah xaadir ahaa.

Cabdi Yare ayaa ku dheeraaday ka hadalka wax yaabihii uu qabtay midada uu xilka hayay isagoo sharaxay guulaha la gaaray isagoo alle uga baryay in uu xilka la garab galo Taliyaha cusub ee Ciidanka Booliska Puntland.

Maxamed Cali Xaashi ayaa ka qayb galayaasha la wadaagay waxqabadkii sii mudada uu ka shaqaynayay saaxada Booliska isagoo xusay in uu  ka sii hormarinaya halka uu joogo maanta Booliska Puntland.

Taliye Xaashi oo ka hadlay xafladda ayaa gaba gabadii saraakiisha Booliska,madaxda Puntland iyo Shacabkaba ka codsaday in ay la shaqeeyaan si loogaaro yoolalka uu Booliska Puntland hiigsanayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM

Puntland oo soo afjartay awooddii ciidamada isbarbar socda kaddib hawlgalladii Gaalkacyo iyo Boosaaso

Xogaha ayaa sheegaya in qorshaha dowladda muddo-xileedkeedu dhammaaday uusan …

  • Puntland

    07-08-2026

  • 04:51AM