Taliyaha cusub ee Puntland oo digniin u direy askarta qayisha

Image

10 August, 2015 (GO)-  Taliyaha cusub ee ciidan booliiska Puntland Cabdirasaaq Maxamed Yusuuf oo maanta xilka kala wareegay taliyihii hore Maxamed Siciid Jaqanaf ayaa sheegay in meel wanaagsan la keenay howsha ciidanka.

Afgaduud ayaa go'aan ka soo saaray askarigii lagu arko isagoo ku qayilaya goobaha shaqada iyo kantaroolada sharciga la hor keeni doono. 

"Waxaan amrayaa taliska booliska, talista qaybta, hogaamada dhamaan in ay mamnuuc tahay askari inuu ku qayilo goobaha shaqada iyo baraha kantaroolada" ayuu yiri Afgaduud isagoo ka hadlaya goobta xil wareejinta.

Munaasabada xil wareejinta waxaa ka qayb galey wasiirka amniga Puntland Cabdi Xirsi iyo saraakiil kale oo ka tirsan ciidamada Booliska Piuntland.

Madaxweynaha Puntland ayaa dhawaan Col. Afgaduud u magacaabay taliyaha ciidanka booliiska Puntland isagoo xilka kala wareegey taliyihii hore Jaqanaf oo mudo afar sano ah shaqadaan hayey.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM