Taliyaha cusub qaybta gobolka Nugaal oo xilka la wareegay [Dhagayso]

Image
Image
Image
Image
Image
Image

21 Septembar, 2015(GO)-Cabdiraxmaan Abshir Faarax oo dhawaan loo soo magacaabay taliyaha qaybta gobolka Nugaal ayaa maanta xilkii la wareegay.

Munaasabad uu ka gayb galay taliyaha ciidanka boliiska Puntland iyo saraakiil kale ayaa lagu qabtay magalada Garowe.

Taliyaha cusub qaybta gobolka Nugaal Cabdiraxmaan Abshir Faarax ayaa sheegay inuu wax ka qaban doono ammaanka isagoo fariin adag u diray dadka qaska ka wada caasumadda Puntland ee Garowe.

Gudoomiyaha gobolka Nugaal Cumar Cabdullaahi Farole iyo taliyaha ciidanka boliiska Puntland Cabdirasaaq Afgaduud ayaa sheegay inay wax ka qaban doonaan hormarka gobolka gaar ahaan caasumadda.

Shacabka Garowe ayaa Gudoomiyaha gobolka ugu baaqay inay ilaashaan caruurtooda ka hor intaysan galin falal amni darro, waxaa uu sheegay hadii arrintaasi lagu soo qabto inay la marsiin doono ciqaab adag.

Afgaduud ayaa dhinaciisa ka hadlay dhalinyarada habeenkii Taleefonada furta, waxaana uu sheegay cidii falkaasi lagu helo inay mutaysan doonaan ciqaab adag oo aan la ogaan doonin halka lagu xiro.

Cabdiraxman Abshir Farax ayaa taliyaha qaybta gobolka Nugal loo magacabay markii saddexaad, waxaana arrintani timi ka dib badal lagu sameyay Axmed Cabdullahi Samatar Layli oo loo magacabay taliyaha kuliyadda Carmo.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM