​Taliyaha Guud ee ciidamaa Puntland oo ka hadlay dagaalladii Garmaal iyo Garacad

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE- Waxaa maanta deegaanka Garacad ee gobolka Mudug lagu soo bandhigay maxaabiis iyo hub lagu qabtay dagaallo mudooyinkii dambe gobolkaasi ka dhacayay, waxaana sidoo kale lagu faah faahiyay khasaarihii ka dhashay.

Goobta arrimahaasi lagu soo bandhigay waxaa ku sugnaa madaxweynaha Puntland oo weheliyaan xubno katirsan golayaasha Fulinta iyo Sharci dajinta, taliyaha guud ee ciidamada qalabka sida iyo saraakiil kale.

Taliyaha guud ee ciidamada qalabka sida Puntland Siciid Maxamed Xirsi "Siciid Dheere", ayaa kawaramay khasaarihii ka dhashay dagalladii lala galay kooxda Shabaab ee ka dhacay gobollada Nugal iyo Mudug ee Puntland, wuxuuna cadeeyay in dagaalkaasi lasoo gabagabeeyay isla markaana ku dileen kooxihii soo duuley aagga garacad oo keliya 208, ayna soo qabteen 46 Maxbuus, sidoo kale agab ciidan oo ka kooban 165qori oo isug jira BKM, AK47, Baasuuke 7 (RPG 7), F1 bumbo.

General Siciid Dheere ayaa tilmaamay in gacanta lagu dhigay agabyo kale oo qarxa iyo kuwo loo isticmaalo Isgaadhsiinta ciidamada.

 Howlgalkaasi ayuu xusay in dagaalkaasi ciidamada Puntland kaga shahiideen 20 askari iyadoo dhaawacyo kala duwan soo gaareen 60 kale.

Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, ayaa dhankiisa ka hadlay qorshayaasha dowladiisa ee ku aadan ciidamada difaaca Puntland, wuxuuna xusay inay daryeeli doonaan islamarkaana il gooni ah ku eegi doonaan, gaar ahaan wuxuu sheegay in daryeeli doonaan dhallaan abaayaashood ku dhinteen difaaca ciidda Puntland.

Howlgalkan lagu sifaynayay koohan katirsan Shabaab, ayaa loogu magac daray Danab, waxaana dowladdu sheegtay inay soo afjareen islamarkaana Puntland laga sifeeyay kooxihii duullaanka ahaa.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM