Taliyaha Guud ee ciidamada Puntland oo gaarey magaalada Garowe

Image

GAROWE Feb 25,2015 (GO)- Waxaa soo gaarey galabnimadii Taladada "Feb 23,215" magaalo madaxda dowlada Puntland ee Garowe Taliyaha Guud ee ciidamada Puntland Siciid Maxamad Xirsi Siciid Dheere".

Safarka Taliyaha oo aan horey loo shaacin ayaa wararka la xiriira sheegayaan inuu salka ku hayo sidii loo xalin lahaa khilaafka u dhexeeya Madaxweynaha Puntland iyo qaar ka tirsan saraakiisha amniga.

Taliyaha oo ku maqanaa bilihii laso dhaafey howlgalada lagula dagaalamo kooxda  Al-shabaab ee ku sugan Galgala ayaa wararku sheegayan in Madaxweyne Cabdiwlei Cali Gaas uusan kala tashan xil ka qaadis uu ku sameeyey taliye ku-xigeenka ciidamada Booliska Puntland iyo agasimaha ciidamada sirdoonka Puntland "PIA".

Dhinaca kale waxaa magaalo madaxda Puntland ee Garowe ka socda kulamo lagu xalinayo khilaafkaan kadib markii saraakiisha xilka laga qaadey ka biyo diideen go'aanka Madaxweynaha.

Murankaan siyaasadeed oo ka bilowdey xil ka qaadista lagu sameeyey qaar ka tirsan saraakiisha ciidamada ayaa wuxuu hoos u dhac wayn ku sameeysay  howlgalada lagaga hortagayo falalka ururka Al-shabaab ka fuliyaan magaalooyinka waaweyn ee Puntland.

Taliye ku-xigeenka Booliska Puntland Gen. Muxayadiin Axmad Aw-muuse oo horey uga badbaadey qarax lala beegsadey gaarigiisa ayaa bilihii lasoo dhaafey dagaalo kaga jirey buuraleyda Galgalo.

GAROWEONLINE

Related Articles

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM