Taliyaha qaybta Boliiska gobolka Nugal oo ka hadlay arrimo amniga ku saabsan

Image

22 December, 2015(GO)-Taliyaha qaybta Boliiska gobolka Nugal Gaashaanle Sare Cabdiraxmaan Abshir Faarax ayaa sheegay inay adkaynayaan amniga gobolka gaar ahaan Caasumadda, maadaama barri lagu wado in lagu qabto xaflad lagu maamuusayo dhalashada Nabigeenna NNKH.

Cabdiraxmaan oo waraysi gaar ah siiyay Radio Garowe, ayaa hambalyo u diray dhammaan u madda muslimka ah meel kasta oo ay joogaan, wuxuuna ku booriyay inay ka qayb qaataan weynaynta xuskaasi.

Taliyaha ayaa sidoo kale ka hadlay dhaqan celin ay u samaynayeen dhalinta ku nool magalada Garowe, gaar ahaan kuwa sida aan wanaagsanayn u jarta ama u xiirta timaha, wuxuuna sheegay inay arrintaasi meel wanaagsan marayso.

Tima jarayaasha laftigooda ayuu tilmaamay inay dhaqan celiyeen oo si wanaagsan ugu xiireen, waxuuna xusay inaan la ogaan doonin qof timihiisa u jaraya si aan haboonayn.

Wuxuu sidoo kale fariin u diray kuwa sanceeyay Tooreeyada ama Ablayda, isagoo sheegay inay mamnuuc tahay dhalinyarada loo tumayo, ciddii hawshaasi lagu arkana tallaabo laga qaadi doono.

Ganacsigooda ayuu xusay inaan laga hor istaagi doonin balse mas'uuliyada ka saarantahay qiimayn ku sameeyaan cidda ka iibiniyaan Tooreeyada.

Hadalkan ayaa ku soo beegmay xilli laamaha amniga degmada Garowe wadeen qorshe timaha looga xiirayo dhalinyarada caadaysatay inay u jartaan qaab khaldan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo qabatay 250 tuute oo ka yimid Galmudug kadib digniin ay dirtay

Puntland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe isku khilaafsanaa arrimo siyaasadeed iyo amni.

  • Puntland

    28-07-2026

  • 07:56AM

Puntland oo ku eedeysay DFS inay waddo qorshe lagu wiiqayo amnigeeda

Puntland ayaa sheegtay in isku daygii ugu horreeyay uu dhacay xilligii dagaalladii ka dhacay buuraha Calmiskaad bishii December 2024.

  • Puntland

    21-07-2026

  • 11:56AM