​Taliyaha qaybta Booliiska gobolka Nugal oo xilka laga qaaday

Image

GAROWE, Puntland- Wareegto kasoo baxday xafiiska Taliyaha ciidanka Booliiska Puntland Cabdulqaadir Faarax Ereg, ayaa xilkii looga qaaday taliyihii qaybta Booliiska gobolka Nugal Cabdiraxmaan Abshir Faarax iyo ku-xigeenkiisii Maxamed Jaamac Cali.

Digreetada xilka ka qaadista oo soo baxday 11 November, 2016 ayaa sidoo kale jagooyinkaas loogu magacaabay saraakiil cusub.

Taliyaha qaybta Booliiska gobolka Nugal ayaa loo magacaabay G/Sare Cabdirashiid Maxamuud aw-Xuseeen (Xinjira-dhuuq), halka ku-xigeenkiisa laga dhigay Ibrahim Maxamed Cabdi (Dooli).

Lama oga sababta saraakiisha xilka looga qaaday, balse waxaa warqadda xilka qaadista lagu muujiyay in si deg deg ah xilka u wareejiyaan iyadoo saraakiisha cusub la faray inay lasoo wareegaan xubka iyo gaadiidka taliyaashaasi gacanta ugu jira.

Ereg, ayaa sheegay in taliyaasha xilka laga qaaday loo wareejiyay laanta Socotada Taliska guud Xil suge.

Cabdiraxmaan Abshir, ayaa intii uu xilka hayay madaxweyne Gaas, waxaa booskaas laga badalay labo jeer.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM