Taliyaha qaybta gobolka Nugal oo la magacaabay

Image

17 September, 2015(GO)-Taliyaha ciidanka boolis-ka Puntland Cabdirasaaq Afgaduud ayaa taliyaha qaybta gobolka Nugal u magacabay Gashaanle Sare Cabdiraxmaan Abshir Faarax(Qaan-qaan) oo horey xilkan u soo qabtay.

Magacaabista taliyaha ayaa timidi kadib wadatashi uu kala yeeshay madaxweyne Gaas oo haatan ku sugan magalada Galkacyo taliyaha ciidamada Booliska.

Cabdiraxmaan Abshir Farax ayaa xilkan waxa uu soo qabtay xilligii madaxweyne Cabdiraxmaan Farole, waxa uuna noqonayaa taliye qaybeedkii labaad ee gobolka Nugaal loo magacaabo.

Xilka taliyaha qaybta gobolka Nugaal waxaa hayay Axmed Cabdullaahi Samatar "Layli".

Shalay ayay ahayd markii soo magacaabay Gudoomiyaha gobolka Nugaal.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM